Horumar kooban oo laga sameeyey wada-hadallada Nukliyeerka Iran

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Kabixistii uu sannadki 2018 madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ka saaray Mareykanka heshiiskii niyukleerka Iran, ee sida rasmiga ah looga yeero Ficilka Qorshaha Wadajirka ah ama JCPOA, ayaa natiijadi ka dhalatay ay “noqotay xaalad adag,” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Halkii barnaamijka Nukliyeerka Iran lagu hayn lahaa "sanduuq…Iran waxa ay ku dhaqaaqday barnaamijkeeda si is xig xigta oo khatar ah,” ayuu xoghaye Blinken ku sheegay wareysi uu dhawaan bixiyay, kaas oo uu sidoo kale ku yiri "Waa inaan wax ka qabanaa taas, waanan nahay kuwo wax ka qabta."

Xoghaye Blinken ayaa carrabka ku adkeeyay, in Mareykanka ay wali ka go’an tahay in ay arkaan in Iran aysan waligeed helin hubka nukliyeerka. “Wali waa rumeysannahay in haddii aan wadahadallada kusoo laabanno todobaadyada soo socda, ma ahan billooyinka soo socda waa todobaadka nasoo haya—wadahaddallada barnaamijka JCPOA ee heshiiska niyukleerka, taasi waxay noqon laheyd arrinta ugu wanaagsan ammaankeenna iyo amniga saaxibbadeen iyo bah-wadaagteenna gobolka,”

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Mareykanka iyo Iran ayaa isku raacay in horumar yar laga gaaray wadahadalladii Vienna. Halkaas oo ay Iran iyo dalalka kale ee heshiiska qeybta ka ah ee quwadaha caalamka ay ka wada xaajoodeen dib ugu soo laabashada Mareykanka ee heshiiska JCPOA. Heshiiska Niyukleerka ee Iran ee loo soo gaabiyo JCPOA ayaa waxaa uu ka dhaxeeyay Iran iyo dalalka la isku yiraahdo shanta quwadood ee caalamka ee kala ah Ingiriiska, Shiinaha, Jarmalka, Ruushka iyo Mareykanka.

Xoghaye Blinken ayaa ka digay, in hase yeeshee waqtiga lagu dhameystiri karo wadahadallada uu sii noqonayo mid “aad iyo aad u gaaban”.

Bilihi ugu danbeeyay, Iran waxay sii bacramineysay barnaamijkeeda yuraaniyamta kaasoo ay gaarsiiyay darajo u dhaw heerka hubka "Iraan way ku sii dhawaanaysaa oo ay ku sii dhawaanaysaa heer ay muddo aad iyo aad u gaaban ku soo saari karto hubka nukliyeerka," ayuu yiri Xoghaye Blinken.

“Isla mar ahaantaana, waxay sameynayaan horumarro ay adkaan doonto in dib loo rogo, sababtoo ah waxay baranayaan waxyaabo, waxay sameynayaan waxyaabo cusub, taasoo ka dhalatay inay ka soo baxeen caqabadihii heshiiska. "

Haddii lacalla la gaari waayo heshiiska dib ugu laabashada barnaamijka niyukleerka ee Iran todobaadyada soo socda, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Blinken ayaa sheegay, in Mareykanka uu xulufadiisa Yurub, Bariga Dhexe iyo wixi ka shisheeya kala shaqeynayo tallaabooyin kale ama ikhtiyaarro kale… waanu diyaarsannahay labada dhan dhanka ay noqoto,” ayuu yiri.

“Laakin waa arrin iska cad in aan ka doorbideyno ammaankeenna iyo ammaanka xulufadeenna iyo bah-wadaagteenna, dib ugu soo laabashada heshiiska.”