Guul cusub oo laga gaaray taageerada tamar nadiif ah

Tani waa Faallo ka turkumaysa aragtida dowladda Maraykanka

Maraykanku waxa uu bixin doonaa $14 milyan oo ku wajahan farsamada iyo daraasaadka naqshadaynta iyada oo warshad nukliyeerka u bedelaysa tamarn laga dhisi doono Romania. Madaxweyne Joe Biden ayaa hadalkan ka sheegay shirweynihii ugu dambeeyay ee Hoggaamiyaha G7 taasoo qayb ka ah ballan qaadka Maamulka ee fulinta Iskaashiga Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Caalamiga ah, qorshaha G7 ee looga golleeyahay in lagu soo koobo goldaloolooyinka kaabayaasha dhaqaalaha adduunka.

Warshadan ayaa ku shaqaynsa hannaanka loo yaqaano SMR ,hannaan ayaa si aad ah u dhimaya kharashaadka dhismaha warshadaha tamarta nukliyeerka, waxayna dhalin karaan xaddi badan oo koronto ah.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ugu yeertay ballan qaadka $14 milyan "wax muhiim ah oo ka mid ah taageerada Mareykanka ee hal-abuurka tamarta nadiifka ah taas oo qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo isbeddelka cimilada." Maraykanku waxa uu iskaashi la yeelan doonaa shirkadda NuScale Power ee fadhigeedu yahay Oregon, taas oo u dhisi doonta SMR ee Romania.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Cimilada John Kerry ayaa yiri, "Tamarta Nukliyeerka, oo ay ku jiraan reactors yar yar, waxay ka dhigan yihiin qalab muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah isbedelka cimilada waxayna sidoo kale kor u qaadi kartaa amniga tamarta waxayna kor u qaadi kartaa barwaaqada dhaqaalaha."

Goobta warshadda SMR ee la soo jeediyay ee Romania waa warshad koronto oo dhuxusha laga shido oo ku taal magaalada Doicesti. Dib u habeynta warshaddan waxay la macno tahay in aan dhul cusub la helin; Ilaha biyaha ee jira, iyo sidoo kale isku xirka tareenada iyo waddooyinka, ayaa diyaar ah; iyadoo bulshada deegaanka ay ka faa’iidaysan doonaan shaqooyinka la abuuri doono.

Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee arrimaha Yurub iyo Eurasian Robin Dunnigan ayaa ku ammaanay Romania inay tahay "saaxiib ku dayasho mudan" dadadaalka labada dal ee Maraykanka iyo Romania ee raadinta wadajirka ah ee nabadda iyo amniga , iyo sidoo kale dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo isbedelka cimilada.

"Iyada oo loo marayo ballan-qaadkeeda ah in la geeyo tikniyoolajiyadda warshadaha yar yar ee Maraykanka," ayay tiri, "Romania kaliya ma xoojinayso xiriirka xooggan ee ay la leedahay Mareykanka iyada oo loo marayo iskaashiga rayidka ah ee nukliyeerka, laakiin sidoo kale waxay tusaale u tahay kuwa kale si ay u raacaan awoodaha tamarta nadiifka ah.