Ilaalinta Xoriyadda Online-ka

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Tiknoolajiyadda dhijitaalka ah ayaa awood u leh in ay dardargeliso kobac dhaqaale; kor u qaaddo furfurnaanta, daahfurnaanta, iyo helitaanka macluumaadka; iyo in ay horumariso nabadda iyo xasilloonida.

Laakiin waxa kale oo ay noqon kartaa mid ay si arxan-darra ah u adeegsadaan dowladaha wax caburiya ee dadaallada ugu jira xakamaynta dadweynaha, cadaadiya mucaaradka, xakameeya qulqulka macluumaadka iyo faafinta wararka, islamarkaana calaamadeeya codadka ka soo horjeeda oo ay faafreeb ku sameeyaan.

Taasi waa sababta 2011-kii loo aas-aasay Isbahaysiga Xorriyadda Online-ka, taasi oo ahayd hindise ay soo jeedisay wasaaradda arrimaha Dibadda ee Netherlands. Maanta, Isbahaysiga waxaa xubno ka ah 35 dal oo ku kala firirsan shan qaaradood.

“Isbaheysiga Xorriyadda Online-ka (The Freedom Online Coalition) waa kooxda kaliya ee caalami ah ee kulmisa dalalka sida gaarka ah ugu heellan taageerada iyo horumarinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha online-ka iyo xaaladaha dhijitaalka ah,” ayuu yiri Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price.

“Ujeeddadeedu waa in la ilaaliyo ballan-qaadka internet-ka ee ah in uu noqdo 'shabakadda shabakadaha' oo heer caalami ah taasi oo furan, awood u leh in la isku dhaafsado macluumaadka, ammaan ah, oo la isku halayn karo lana hubiyo in xuquuqda aadanaha ee ay dadku leeyihiin caadiyan la dhowro marka la isticmaalayo khadadka online-ka.”

Sanadkan, Mareykanka ayaa la wareegay hoggaanka Isbahaysiga Xorriyadda Online-ka. “Iyadoo uu Mareykanku la wareegayo hoggaanka kooxdan markii ugu horeysay tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2011-kii, waxa aan diiradda saareynaa in aan ka dhigno isbaheysiga mid ka waxtar badan si loo horumariyo ballanqaadka internetka iyo yareynta khataraha,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

“Marka hore, waxa aan diiradda saari doonnaa hadafka ugu muhiimsan ee Isbahaysiga ee ah ilaalinta xoriyadda aasaasiga ah, oo ay ku jirto la shaqaynta dowladaha furfuran, kooxaha bulshada rayidka ah, shirkadaha tignoolajiyadda iyo muwaadiniinta si looga hortago carqaladaynada helista internet-ka.”

“Marka labaad, waxa aan u istaagi doonnaa oo aan dhisi doonnaa adkeysi lagaga hortago in si xun loo isticmaalo tignoolajiyadda dhijitaalka ah iyo cadaadiska dhijitaalka ah,” ayuu yiri Xoghaye Blinken. “Dowladaheennu waxa ay qaadi karaan tallaabooyin si loo dhiso hannaan lagu ilaaliyo xuquuqda aadanaha marka ay dowladuhu tignoolajiyada u adeegsadaan hab basaasid ah.”

“Marka saddexaad, waxa aan ka shaqayn doonnaa inaan qaabayno xeerarka iyo sharciyada ku saabsan tignoolajiyadda soo ifbaxaysa, sida horumarin xilkasnimo leh iyo adeegsiga caqliga sameyska iyo in aan hergelinno xeerarkii hore u jiray. Marka afraad, waxa aan sii wadi doonnaa xoojinta dhijitaal loo dhan yahay innaga oo horumarinayna khadad internet oo ammaan ah, gaar ahaan ilaaliya haweenka iyo gabdhaha, LGBTQ, qowmiyadaha, jinsiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay, dadka naafada ah iyo kooxaha kale ee la takooro”.

“Waxa aan ku jirnaa waqti muhiim u ah mustaqbalka internet-ka tan iyo markii la abuuray,” ayuu yiri Xoghaye Blinken. “Waxa aan u howlgali doonnaa si degdeg ah oo ujeedo leh maxaayeelay haddii aanaan mustaqbalka internetka u qaabeyn si waafaqsan qiyamkeenna, wadamada leh dowladaha aan dimuqraadiga aheyn ayaa taasi sameyn doona.”