Arxan darro xun oo ka dhacday Burma

Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Tan iyo markii uu afgambigii milatari ka dhacay Burma laba sano ka hor, markaasoo talisku uu baacsanaayey dadka ka soo horjeeda dadka Burma waxaa soo gaaray dhibaato aad u weyn: in ka badan 3,000 oo ayaa la dilay; ku dhawaad 17,000 qofna waa la xirey in ka badan 1.3 milyan oo qofna waa ay barakeceen.

Laakiin xitaa iyada oo la eegayo caddaymahan naxariis-darrada ah ee talisku, duqeymaha cirka ee lagu qaaday tuulo ku taal gobolka Sagaing 11-kii Abriil waxay u taagan tahat maalinta naxariis darada iyo arxan la,aanta ee taliska.

Iyadoo boqolaal qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ay isugu soo baxeen si ay ugu dabaaldegaan furitaanka dhismo ay dhiseen koox dimoqraadi ah, ayaa la sheegay in talisku uu bambaanooyin badan ku tuuray dadka tuulada. Ka dib, diyaarad helicopter ah ayaa duqeysey aagga iyadoo dadku isku dayeen inay baxsadaan. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, haddana waxaa la qiyaasayaa in ay ku dhinteen in ka badan 100-qof oo qaarkood ay caruur ahaayeen.

Dadka wax indha indheeya ayaa xusaya in talisku uu sii kordhinayo duqeymaha uu ku hayo dadka rayidka ah oo uu ka dhashay khasaare ba’an. Bishii Oktoobar, tusaale ahaan, ilaa 80 qof ayaa la sheegay in lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Waqooyiga Burma. 10-kii Abriil, maalin ka hor weerarkii Sagaing, duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay Gobolka Chin ayaa la sheegay iniyana lagu dilay ugu yaraan sagaal qof.

Beesha Caalamka ayaa ka argagaxsdey arrinkan waxaana ay uga jawaabeen canbaareyn Ku-xigeenka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Vedant Patel, ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, "Weeraradan rabshadaha wata waxay sii caddaynayaan ixtiraam la'aanta taliska ee nolosha bini'aadamka iyo mas'uuliyadda ka saran xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa bini'aadantinimo ee Burma ka dib afgambigii Febraayo 2021."

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Turk ayaa sheegay in uu "ka argagaxay" weerarka, isagoo xusay "in ay u muuqato in caruur dugsiyeed ay ciyaarayeen qoob-ka-ciyaarka, iyo sidoo kale dad kale oo rayid ah..oo. ay ku jiraan dhibanayaasha."

Nabila Massrali, Afhayeenka Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, ayaa tiri, "Midowga Yurub wuxuu aad uga naxay warbixinnada ku saabsan xasuuqii ugu dambeeyay ee uu taliskii militariga ka geystay Sagaing, oo uu ku dilay tobanaan rayid ah oo aan waxba galabsan." ASEAN "si adag" ayaa u cambaareysay duqeymaha cirka.
Ku-xigeenka Afhayeenka Maamulaha ee Maraykanka Patel ayaa yidhi, “Maraykanku waxa uu ugu baaqayaa taliska Burma in uu joojiyo rabshadaha ba’an, ogolaado in la gaadho gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn, iyo in ay ixtiraamaan rabitaanka dimoqraadiyada dhabta ah ee loo dhan yahay ee dadka Burma.

“Maamulka militariga waa inuu u hoggaansamo waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, oo ay ku jiraan xeerarka ilaalinta rayidka. Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu beesha caalamka kala shaqeeyo in taliska lagula xisaabtamo xadgudubyada iyo xadgudubyada ka dhacay Barma."