Xasuuq waa dambiga ugu weyn dambiyada

Bosnia Srebrenica Anniversary

Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Intii uu socday dagaallii Bosnia, kaaso oo qaatay laga soo bilaabo 1992-kii ilaa 1995-kii, Seerbiyiinta reer Bosnia oo ah mid ka mid ah qowmiyadaha ugu waaweyn ee uu dalkii Yugoslavia ka samaysnaa, ayaa rabay inay samaystaan wadan hal qowmiyad ah, kaasi oo ahaa jamhuuriyada Srprska, kana taagan badhtamaha dhulkii ay doorteen ee ahaa Srebrenica, kaasi oo taariikh ahaan ay deganaayeen bulshadii aqlabiyada ahayd ee muslimiinta reer Bosnia.

Muddo sadex sanadood ah, seerbiyiinta Boosnia waxa ay caydhsanayeen oo ay cabsi galinayeen bulshada muslimiinta Bosniak, ugu danbayn markii uu soo dhamaanayay dagaalku, ayaa cutubo ka tirsan ciidamada Seerbiyiinta Bosnia ee jamhuuriyada Srprska oo uu maamulayo Ratko Mladic ayaa lagu qabsay meel amaan ah oo ka mid ah dhulka lagu hareeraysan yahay iyadoo la raacayo hanaanka ilaalinta qaramadda midoobay.

Ciidamada Serbia ayaa soo aruuriyay dadka, oo ay ku jiraan boqolaal qaxooti ah oo ka yimid tuulooyinka ku hareeraysan. Waxay kala sooceen dumarkii iyo carruurtii yaryaraa, ka dibna waxay si nidaamsan u dileen dhammaan raggii ka weynaa da'da shan iyo tobanka sano. Intii u dhaxaysay July 11 ilaa 31, 1995, waxay xasuuqeen 7 ilaa 8 kun oo rag iyo wiilal aan hubaysnayn.

Heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa ee 1948-kii waxa uu ku qeexay xasuuqa in uu yahay "ficillada la damacsan yahay in lagu burburiyo, gebi ahaan ama qayb ahaan, qaran, qowmiyad, isir ama koox diimeed". Taasina waa waxa ka dhacay Srebrenica, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay 2004tii Guddiga Baadhista Dhacdooyinka Srebrenica iyo agagaarkeeda. Waagaas, dawladda jamhuuriyadda Srpska, oo hadda ah ismaamul ka tirsan Bosnia iyo Herzegovina, ayaa bixisay raaligelin rasmi ah. Laakiin 14 sano ka dib, baarlamaanka qaranka ee jamhuuriyadda Srpska ayaa diiday warbixinta, iyaga oo ku andacoonaya in qaar badan oo ka mid ah dhibanayaasha ay weli nool yihiin. Ilaa maantadan la joogo, diidmada xasuuqii Srebrenica iyo ammaanta kuwii falkaas geystay ayaa ku badan gobolka.

Isagoo ka hadlayay xuska 28-aad ee Xasuuqii Srebrenica, Safiirka Mareykanka ee Bosnia Herzegovina, Michael Murphy wuxuu sheegay in dadka Mareykanku ay u taagan yihiin garab istaaga dhibanayaasha, kuwa badbaaday, iyo qoysaska u damqaday eheladooda.

"Xaqiiqooyinka ku saabsan xasuuqii Srebrenica waxaa la aasaasay si aan daah saarnayn" ayuu yiri danjire Murphy.

"Mareykanku wuxuu ugu baaqayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Bosnia Herzegovina si ay u muujiyaan ixtiraamka runta, xusuusta dhibanayaasha xasuuqii Srebrenica, iyo mustaqbalka Bosnia iyo Herzegovina, taas oo ku xidhan awoodda ay u leeyihiin in ay qirtaan in xasuuqu ka dhacay Srebrenica oo ay qaadaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo saxo tan iyo khaladaad kale oo badan oo ka mid ah dagaaladii 1952-2."