Booliska Iran oo xoojiyey ilaalinta hab labiska haweenka

Tani waa faallo ka turjumaysa ragtida dawlada Maraykanka

Hanaanka soo kordhaya ee ah cadynta ayaa muujinaya xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya sinaanta ,xoojinta haweenka iyo awooda wadanka.
Hasayeeshee xidhiidhkaasi waa midka uu diidan yahay maamulka Iran inuu aqoonsado.

Kadib dhimashadii markii iyadoo u xidhan booliiska Anshaxa ay bishii September dhimatay Mahsa Amini oo 22 jir ahayd, taasi oo loo xidhay inay ku xadgudubtay hanaanka islaamiga ah ee looga labisto dalka Iran, ayay dalka ka bilaabmeen isu soo baxyo balaadhan oo wadanka oo dhan ah.

Kumanaan qof oo ay haweenku hor kacayaan ayay ku biireen nimankoodii, wiilashoodii, walaalahood iyo waliba saaxibadood, kuwaasi oo isugu soo baxay jidadka dhimashada Amini iyo amar ku qasbaya haweenku inay xidhaan timahooda daboolaan islamarkaana ay dhar dabacsan xidhaan si ay jidhkooda u asturaan.

Isu soo baxyadaasi ay ku qaylinayeen nolosha dumarka iyo xoriyada ayaa isku badalay mudaharaadyo ka dhan ah musuqmaasuqa, maamul xumida iyo cadaadiska uu maamulku sameeyo, waxaana uu aha aka imaanshiiyihii ugu weynaa ee lagaga hor imaado jamhuuriyadan islaamiga ah ee Iran tan iyo markii la yagleelay sanadkii 1979-kii.

Hogaamiyeyaasha Iran ayaa kaga falceliyay inay si kumeel gaadh ah u joojiyaan roondadii booliiska anshaxu samayn jiray, balse sidoo kale waxxa ay si araxan daran u kala dareeriyeen mudaharaadayaashii, 500 oo qof ayaana dhintay halka 20,000 oo kalena la xidhay iyadoo ugu yaraan 7 qofna la qisaasay.

Hadda, laba bilood ka hor snaad guuradii markii la xidhay Mahsa Amini, masuuliyiinta booliisku waxa ay shaaciyeen inay si deg deg ah u bilaabi doonaan roondadii ay ku samaynayeen jidadka si ay marka hore ugu digaan kadibna ay u xidhaan haweeneyda ka baaqsata inay labiskaas xidhato.

Shaacintaasi ayaa daba socota dhaqan ay masuuliyiintu horaantii sanadkan ku xidheen ganacsiyo ay ku eedeeyeen inay la imaadeen dhaqano ah inaanay xijaaban, iyagoo intaasi sii raaciyay in dhawr qof oo caan ah ay waajahayaan dacwad ah inay jabiyeen sharciga kadib markii ay si aan haboonayn isku dabooleen, waxaana ka mid ah jilaaga caanka ah ee Azadeh Samadi.

Maraykanku waxa uu ka warwarsan yahay warbixinadaasi ku saabsan dhibaatada ka dhanka ah haweenka Iran ee la xidhiidha ku qasbida xijaabka, “Waxa ay u muuqataa in maamulku aanu waxba ka baran mudaharaadyadii dhawaan dhacay” ayaa uu idhi afhayeenka wasaarada arimaha dibada Maraykanka Mathew Miller.

Isu duwada amaanka qaranaka ee xidhiidhka istraaatijadeed John Kirby ayaa sheegay in haweenka Iran ay tahay inay awood u yeeshaan inay go’aan ka gaadhaan naftooda iyo sida ay ugu dhaqmayaan caqiidadooda iyo sida ay u labisanayaan marka ay banaanka u baxayaan” waxa uu xusay in Maraykanku uu haatanba cunoqabatayn saaray xubno ka mid ah booliiska anshaxa Iran iyo hay’ado kale oo qayb ka aha aka hortagii axmaqnimada ahaa ee horseeday inay dhintaan sidoo kalena ay dhaawacmaan dadkii banaanbaxayay, “ hadii aynu aaminsanahay inay qaadno talaabo dheeri ah oo culays dheeraad ah lagu saarayo maamulka “ ayaa uu sheegay inay “ taasi samayn doonaan”