Putin oo dhabarka ka mindiyeeyey cuntada adduunka

Vladimir Putin

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka


17-kii bishii July ee na dhaaftay, Ruushka ayaa joojiyay ka qeybgalkiisii Hindiha Qamadiga Badda Madow, kaas oo ah heshiis ay gaareen Ukraine iyo Raashiya oo ogolaanaya in maraakiibta wadda qammadiga Ukraine ay mari karaan biyaha Badda Madow.

Isaga oo soo xiganayay bayaan kasoo baxay Dowladda Kenya, ayay ku xigeenka Hey’adda USAID Isobel Coleman sheegtay sidan: “Ficilkaan uu qaatay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin – ee uu uga baxay Hindisaha Qamadiga Badda Madow—wuxuu amniga cuntada adduunka ku yahay tooreey dhabarka laga dhiftay.”

Waxay kaloo sheegtay in “Odessa iyo Badda Madow ay aad muhiim ugu yihiin amniga cuntada. Waxaad halkaan ku heysataa laba danbiil oo waaweyn oo ay la yaallaan badar, kuwaas oo kala ah Ruushka iyo Ukraine oo labaduba isticmaala Badda Madow. Halkaas waxaa la mariyaa tiro badan oo ka mid ah badeecooyinka la dhoofiyo sida qamadiga, burka iyo saliidda.

Dekadda Odesa waa mid ka mid ah dekadaha ugu waaweyn Ukraine. Tan iyo duullaanki Ruushka, howlgalkedi wuxuu ka yaraa 15 boqolkiiba.

Qaddarkaasina wuxuu ku yimid heshiiskii loogu magac-dara Hindisaha Badda Madow ee Qamadiga.

Marka sida aad hadda xustay, Ruushka waa uu ka baxay arrintani, sidaasi daraadeed xaaladdu waa mid aad iyo aad halsi u ugu ah amniga cuntada adduunka. Malaayiin dad ah ayaa ku tiirsan qamadiga uu dhoofiyo Ukraine ee la geeyo dunida dacalladeeda, qamadigaas oo ay Ukraine ugu tala gashay in si rakhiis ah lagu gado.
Badarkaan ayaa gaara qaar ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka sida Geeska Africa iyo kuwo ku yaalla Bariga Dhexe, Yemen iyo Afghanstan. Dhammaantood waxay ku tiirsanyihiin qamadiga ay dhoofiso Ukraine..”

Mareykanka iyo dalalka Yurub ayaa ka shaqeynaya sidii ay ku heli lahaayeen baddal kale, sida dariiq wax lagu dhoofi karo iyada oo la marayo khadadka tareennada ee dhex mara dalka Poland ama xagga hoose ee wabiga Danube ee Romania, hase yeeshee waxaa jira caqabado badan oo u baahan in laga gudbo.

“Annaga iyo reer Yurub waxaanu ka shaqeyneynaa si wada jir ah farsamooyin kale oo xal loogu helayo sidi ay Ukraine u awoodi laheyd in ay qamadigeeda ugu dhoofiso dibadda. Waxaa ka mid ah dariiqa dhulka Poland, Romania, iyadoo sidoo kale la marayo Danube kaddibna laga saaro dakadaha Romania. Waxaan runtii isku dayeynaa inti karaankeenna ah si aan badarka ugu bixinno bannaanka, laakin ma ahan wax sahlan. Ma baddali karto marinka Badda Madow, waayo maraakiibta waaweyn waa ka jabanyihiin ka dhaqso badanyihiin waddooyinkan.”

“Waxa Ruushka uu sameynayo waa mid si ula kac ah loogu burburinayo awoodda beeraha mid ka mid ah dalalka ugu wax soo saarka badan dunida,” Sidaasi waxaa tiri Coleman. Waxay intaasi raacisay “Saameynta arrintaan waa mid lasii dareemi doono bilaha iyo sannadaha soo socda.”