Waa xilligii ay nabad ka dhallan lahayd Syria

Syria Defying Kurds

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowaldda Mareykanka.

In ka badan 12 sano kacdoonkii Suuriya, dadku waxay sii wadaan inay la kulmaan xaqiiqada maalinlaha ah ee duqeymaha cirka, weerarrada laga geysanayo gantaalaha dushooda, jirdilka iyo xarigga, iyo diidmada gargaarka bini'aadantinimo.

Shacabka Suuriya waxay diyaar u yihiin nabad. Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalooyin ay ka mid yihiin Darca iyo Al Suweyda ka socday dibadbaxyo nabadeed, halkaasi oo ay dadka Suuriya ku baaqeen in la sameeyo isbedello siyaasadeed iyo in dhammaan dhinacyada ay quseeyaan qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2254, kaasoo ku baaqaya xabbad-joojin iyo heshiis siyaasadeed oo Suuriya ka dhaca.

Colaadda Suuriya ayaa saameyn xun ku yeelatay haweenka Suuriya, kuwaas oo intooda badan ah kuwa keliya ee quudiya qoysaskooda, ayay tiri safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield:

"Sinnaan la'aanta jinsiga ee horay u jirtay, sharciyada takoorka ah, iyo caddaalad-darrada bulshada ayaa sii xumeynaya caqabadaha soo wajaha haweenka. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada isku haya Suuriya inay joojiyaan xannibaadaha saaran haweenka oo ay si siman u helaan waxbarasho, xuquuqaha sharciga, dukumentiyada madaniga ah, iyo diiwaannada hantida.

Carruurta Suuriyaanka ah iyo dadka barokacay ayaa sidoo kale ku sii silcaya xaaladaha hadda jira, ayey tiri danjire Thomas-Greenfield:

“Guud ahaan dalka, malaayiin carruur ah ayaa weli ka maqan iskuullada, taasoo keeneysa khatar sare oo ah foosha carruurta, waqti hore iyo guur qasab ah. Dulucdadu waa tan: Ilaa ay xaaladuhu ka soo raynayaan, suurto gal maaha in si badbaado leh oo sharaf leh ay barokacayaashu dib ugu soo laaban karaan. Suuriyaanku ma soo laaban doonaan ilaa iyo inta ay halis ugu jiraan in loo qoro ciidamada Suuriya, si xaq darro ah loo xiro, la jirdilo, oo si qasab ah loo waayo.”

Danjire Thomas-Greenfield ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada isku haya colaadda inay sii daayaan kuwa sida sharci-darrada ah u xiran, si ay hay'adaha xuquuqul insaanka u helaan xarumaha lagu hayo iyo kuwa ku jiraba, iyo inay la wadaagaan xogta dadka la la'yahay ee qoysaska. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ay jiraan ugu yaraan 155,000 oo Suuriyaan ah oo la la'yahay oo si xaqdarro ah loo xiray.

Ruushka wuxuu sii wadaa inuu carqaladeeyo horumarka siyaasadeed ee Suuriya, ayey tiri danjire Thomas-Greenfield. Waxaa intaa dheer, wax-qabad la'aanta maamulka Assad ee hindisayaasha kala-guurka siyaasadeed ee ballaaran, iyo sidoo kale arrimaha daran, ee maalinlaha ah ee soo food saaray dadka Suuriya, waxay muujinayaan quursiga dowladda ee dadkeeda.

Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu kor u qaado isla xisaabtanka xadgudubyada taliska Asad, oo ay ku jiraan codsiga iyo dhaqan gelinta cunaqabataynta ka dhanka ah kuwa u qalma. Cunaqabataynta Maraykanku way sii jiri doontaa ilaa laga helayo horumar la taaban karo oo ku wajahan xal siyaasadeed.

"Dadka Suuriya waxay mudan yihiin taageero buuxda," ayey tiri danjire Thomas-Greenfield. “Waxay mudan yihiin nabad iyo amni iyo cadaalad. Waanan sii wadi doonnaa garab istaagga iyaga waqtiga ay u baahan yihiin.”