Syria amni uma ahan qaxootiga soo laabanaya

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Lix sano ka hor, dowladda Suuriya ayaa billowday in ay si rasmi ah ugu yeerto qaxootiga in ay soo laabtaan, iyadoo sheegtay in dalku uu hadda yahay mid ammaan ah. Dhowr jeer, dowladdu waxa ay sidoo kale ku dhawaaqday cafis guud.

Si kastaba ha ahaatee, Robert Wood, oo ah Wakiilka Maraykanka ee Arrimaha Siyaasadda Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in “warbixin dhowaan uu daabacay Guddiga Madaxa-bannaan ee Baaritaanka Caalamiga ah, COI, ay ku jireen kiisas naxdin leh oo xarig iyo jirdil aan loo meel dayin, oo ay ku jiraan kufsiga iyo rabshadaha ku salaysan jinsiga, oo ay qaybtii u horreysay ee sanadka geysteen kuwa ka tirsan nidaamka Suuriya iyo maleeshiyaadka uu talisku taageero. Falalkani waxa ay horseedeen in komishanku uu ka warbixiyo rajiimka ‘dambiyadiisa joogtada ah ee ka dhanka ah bini’aadantinimada iyo dembiyada dagaalka’.”

“Warbixinta COI waxa ay bixineysaa caddeymo dheeri ah oo muujinaya in maamulka Suuriya uusan run ka hadleynin marka ay sheeganayaan in dalku uu hadda ammaan yahay - haddii ay ahaan lahayd malaayiin qof oo wali ka cabsanaya maamulka,ama malaayiin qaxootiga Suuriyaan ah oo ku nool dunida oo dhan. Warbixintu waxa ay xaqiijinaysaa in maamulku uusan wax isbaddal ah sameynin oo uu howlihiisii caadi u wato, taasi oo cawaaqib xun ku yeelanaysa shacabka Suuriya.”

Warbixintu waxa ay ku soo gabagabeysay saadaal aad u xun oo ah in “xaaladda xuquuqul insaanku ay ka sii dari doonto haddii aysan beesha caalamku fiiro gaar ah siin xasaradda Suuriya.”

Dhabtii ayuu yiri Danjire Wood, taasi waa “xusuusinta sababta ay tahay in isla-xisaabtanku uu u ahaado xudunta habka aan u wajahayno Suuriya.”

“Haddii aan la helin isla-xisaabtan lagu sameeyo saraakiisha taliska ee mas’uulka ka ah gabood-fallada iyo xadgudubyada kale - laga soo bilaabo askariga ugu hooseeya illaa kuwa u sarreeya ee taliska - arxan-darrada joogtada ah ma dhammaan doonto. Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan xubnaha Golaha in ay nagu garab istaagaan sidii aan caddaalad iyo karaamo ugu raadin lahayn dadka Suuriya.”

Taasi waxa ay tiri, “waa in aan sidoo kale toosh caalami ah ku ifinnaa dadaallada lagu xaqiijinayo caddaalad iyo isla-xisaabtan ay helaan dhibanayaasha dambiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada ee ay gaysteen ISIS, oo ay ku jirto xasuuqa ka dhanka ah bulshada Yeziidiyiinta,” ayuu yiri Danjire Wood.

“Maraykanku waxa uu garab taagan yahay kuwa ka badbaaday waxa uuna sii wadi doonaa in uu taageero dadaalada Golaha Ammaanka si loo xaqiijiyo la xisaabtanka dambiilayaasha.

Ma jiro xal militari oo lagu soo afjari karo colaadda Suuriya. “Waxaan ku boorrineynaa wakiillada Rajiimka Suuriya iyo taageerayaashiisaba,” ayuu yiri Danjire Wood, “in ay joojiyaan marmarsiyo u sameynta ayna si daacad ah uga shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa Qaraarka 2254,” kaas oo ku baaqaya in xal siyaasadeed laga gaaro Suuriya.

“Maraykanku ma maalgalin doono dib u dhis uu horboodayo taliska, cunnaqabateynta Maraykankuna way sii jiri doontaa ilaa inta laga helayo, ugu yaraan, horumar dhab ah oo waara oo lagu gaarayo xal siyaasadeed oo waafaqsan Qaraarka 2254.”