Blinken oo ka hadlay firfircooni gelinta siyaasadda arrimaha dibedda

US Secretary of State Antony Blinken talks to the press following a North Atlantic Council Meeting at NATO's headquarters during his one-day visit in Brussels for Ukraine talks with NATO chief, European Union diplomacy boss and Ukraine's Foreign Minister,

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Tartan juquraafiyeedka siyaasadda ayaa socda kaasi oo lagu qaabeeynayo waa cusub oo arrimaha caalamiga ah, ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken oo khudbad u jeedinayay Machadka Adeegga Dibadda [the Foreign Service Institute]. Islamarkaana “caqabadaha soo jireenka ah ayaa weli taagan – iska-horimaadyada, argagixisanimada, xasillooni-darrada siyaasadeed. Waxaan arrimahan ku aragnaa adduunka oo dhan, laga bilaabo Bariga Dhexe, ilaa Suudaan, ilaa Venezuela.”

“Hadda, si aan wax uga qabanno caqabadahan, waxaan maalgashi taariikhi ah ku sameynay dalkeenna si aan u xoojinno awooddeenna tartanka, waxaanan ka shaqeynay in aan dib u hawlgelinno, dib u soo nooleyno, oo aan dib u xoojinno xulufadeena iyo saaxiibadeenna dunida oo dhan.”

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa dhistay Xafiiska Badqabka Internetka iyo Siyaasadda Dhijitaalka ah [the Bureau of Cybersecurity and Digital Policy] iyo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Tignoolajiyada Halista ah iyo midda soo kobceysa [the Office of the Special Envoy for Critical and Emerging Technology.] Xoghaye Blinken ayaa yiri: “Waxaan goobahan keennay xirfadlayaal taya leh si aan u hubinno in Mareykanka iyo saaxiibadeenna ay sii wadaan horumarkeenna wadajirka ah ee tignoolajiyada aanna qaabeyno mustaqbalkeena,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

“Diblomaasiyaddeenna oo dhan, waxaan mudnaanta siinnay hoggaaminta xeerarka iyo heerarka, kor u qaadista xoriyada dhijitaalka ah, ilaalinta tignoolajiyadeenna ugu xasaasisan, iyo in silsiladaha saadka ee muhiimka ah laga dhigo kuwa adkeysi badan.”

Ka dib COVID, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa ay sidoo kale abuurtay Xafiiska Amniga Caafimaadka Caalamiga ah iyo Diblomaasiyadda [Bureau of Global Health Security and Diplomacy] si loo xoojiyo nidaamka caafimaadka, loola dagaallamo cudurrada dilaaga ah, mustaqbalkana looga hortago masiibooyinka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diiradda saartay xoojinta horumarinta maaliyadda, awoodeynta silsiladaha sahayda, sare u qaadidda Xafiiskeeda Isku-dubbaridka Cunnaqabataynta, iyo yagleelidda isku-duwaha la-dagaallanka musuqmaasuqa ee caalamiga ah, iyo hindisayaal kale.

Ajendaha casriyeynta ayaa hay’ad waxtar badan leh ka dhigay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayuu yidhi Xoghaye Blinken. “Waxa aan si fiican u awoodnaa in aan xoojino iskaashigeenna, aanna la tartanno kooxaha aan sida istaraatiijiga ah u tartanno, [iyo] in aan dadkeenna horumar u keenno waqti lagu jiro xilli uu socda loollan cajiib ah.” Tani waxa ay awood u siisay Mareykanka iyo xulafadiisa marka laga hadlayo Shiinaha in ay gaaraan heer istaraatiijiyadeed oo la isku halleyn karo oo aan la sii qiyaasi karin dhowr sano ka hor, ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dalalka kale u balaarisay fursadaha ay ku heli karaan maaliyadda la xiriirta horumarinta iyadoo dib u habayn ku samayneysa hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo samaynta siyaasad cusub oo amaah ah.

Dublamaasiyiinta Mareykanku waxa ay qaabeynayaan shuruucda iyo xeerarka teknoolajiyadda soo ifbaxaysa sida Sirdoonka Macmalka ah [Artificial Intelligence], iyadoo la kordhinayo in dhijitaalku uu noqdo mid laga heli karo Jasiiradaha Baasifigga, Afrika, Koonfurta Ameerika, iyo qeybaha kale ee dunida.

Mareykanka ayaa dib u soo nooleynaya hoggaankiisa Qaramada Midoobay, isagoo dib ugu biiraya ururada sida Golaha Xuquuqul Insaanka iyo UNESCO.

“Horumarradan, iyo kuwa kale oo badan,” ayuu yiri Xoghaye Blinken, “waxa ay muujinayaan awoodda iyo ujeedada dib u xoojinta dibloomaasiyadda Mareykanka.”

Taasina waxa ay ahayd faallo ka tarjuemysa aragtida Dowladda Mareykanka.