Ruushka oo caqabad ku noqday in la bad-baadiyo shacabka Sudan

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Loolankii awoodeed ee u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan iyo Xoogagga Gurmadka Degdegga ah oo bishii April ee 2023-kii isku beddelay iska-horimaad hubaysan oo aad u daran ayaa sababay waxa maanta noqday dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu xun dunida.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20,000 oo qof, waxaana ku barakacay 11 milyan, iyadoo kala bar dadka dalka oo ah 25 milyan oo qof ay la daalaa dhacayaan cunto yari ba’an. Gobollada qaar, cunto la'aantu waxa ay kor ugu sii kacaysaa heerka macluusha.

18-kii November, Qaramada Midoobay ayaa u codeysay qaraar, ay soo gudbiyeen Boqortooyada Ingiriiska iyo Siera Leone, kaasi oo ku baaqayay in la kordhiyo ilaalinta dadka rayidka ah, oo ay ku jirto xabbad-joojin degdeg ah oo dhexmarta dhinacyada isku haya Suudaan, iyo in gargaarka bini'aadantinimo dadkaasi la gaarsiiyo.

14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka ayaa u codeeyay in la meel mariyo qaraarkan. Hal dal, Ruushka, ayaa diiday. Taasna, waxa ay keentay in uu dhinto qaraarkii looga dan lahaa in lagu caawiyo badbaada iyo quudinta dadka Suudaan.

“Waa wax laga naxo in Ruushku uu diidmo qayaxan u adeegsaday dadaal nolol lagu badbaadinayo - in kastoo ay ahayd, in aysan sidaasi noqon” ayay tiri Linda Thomas-Greenfield oo ah wakiilka joogtada ah ee Mareykanka u fadhisa Qaramada Midoobay. “Waxa ay ku andacoonayaan in ay sabab u tahay madax-banaanida Suudaan. Laakiin Suudaan waa ay taageersan tahay qaraarka.”

“Maanta, waxa uu Goluhu isagoo mideysan ku baaqi lahaa xabbad-joojin guud oo dalka oo dhan ah; in la kordhiyo badbaadinta dadka rayidka; iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan in gargaarka bini’aadantinimo la geeyo guud ahaan Suudaan. Waxaan codsan laheyn in RSF ay joojiso weerarrada El Fasher, Gezira, iyo meelo kale oo Suudaan ah. Waxaan ugu baaqi laheyn RSF iyo SAF labadaba in lagula xisaabtamo ballan-qaadyadoodii Bayaanka Jeddah (Jeddah Declaration).

Bayaanka Jeddah waa ballanqaad 2023-kii lagu dhawaaqay kaasi oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee Suudaan, waxaana saxiixay Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, Ciidamada Gurmadka Degdegga ah, iyo labada dal ee baaqa dammaanad qaaday ee Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

“Ruushka waxa uu sheegtaa in uu la jiro Afrikaanka, laakiin waa uu ka soo horjeedaa qaraar ay taageersan yihiin Afrikaanka looguna talogalay Afrikaanka,” ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield.

“Waa wax aad u xun in Ruushku uu si qayaxan oo xishood la’aan ah u hor istaago in tallaabooyinkan la dalbado - ficillo lagu badbaadinayo nolosha dadka ay haysato dhibaatada bini'aadanimo ee ugu xun caalamka.”

"Waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda, waxaanna sii wadi doonnaa in aan sheegno xadgudubyada iyo kuwa fududeeya, oo sida cad uu ka mid yahay Ruushku,” ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield.

“Waa in aan sii wadnaa in aan kor u qaadno codadka dadka Suudaan, kuwaasi oo ku baaqaya nabad iyo barwaaqo, dimoqraadiyad iyo caddaalad. Ruushkuna taasi kama hor joogsan karo.”