Accessibility links

Breaking News

Maalinta Duumada Adduunka ee 2021


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

25-ka April waa Maalinta Duumada Adduunka oo ah fursad kor loogu qaadayao wacyi gelinta xanuunkan dilaaga ah iyo cusbooneysiinta taageeradaeenna Qaramada Midoobay ee horumarinta hiigsiga bartilmaaeedka toosan ee joogtada ah, kaas oo sanadka 2030-ka lagu cirib tirayo aafada Malaariyada.

Maanta la joogo cudurkan oo ah wax laga hor tagi karo ama la daweyn karo ayaa wali dad badan ku dilaya adduunka.

Sanadkii 2019kii, 229 million oo kamid ah dadka ku nool daafaha dunida ayaa la xanuunsaday duumada iyadoo ay u dhinteen 409,000 oo ruux, kuwaas 67 boqolkiiba ay aheeyeen carruur ay da’dooda ka hoosayso shan sano jir.

Inkastoo ku dhowaad kala bar dadka dunida ay halis ugu jiraan malaariyada ayaa haddana waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ay hoy u yihiin 94 boqolkiiba kiisaska iyo dhimashada qeyb ahaan, taas oo lagu sababeeyay in halkaas laga helay waxyaabaha keena xanuunka.

Si kastoo ay ahaataba, xaaladda ayaa kasoo reynaysay tan iyo billiowgii qarnigan, taas oo sabab ay u tahay shaqada wanaagsan ee lagu hormarinayo xakameynta Kaneecada, ka hortagista qaniinyada iyo daawooyinka Malaariyada.

Sanadkan Maalinta Malaariyada Adduunka waxaa qeyb ka noqon doona u dabbaaldagga waxqabadka ee dalalka ku dhowaanaya ka guul gaarka baab’inta malaariyada.

Dhab ahaantii sida ku cad warbixinta Duumada adduunka ee lasoo saaray 2020kii. ayaa muujisay guul aan caadi aheyn oo caalami ah taas oo ka dhan ah Malaariyada.

Inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn oo ay sababeen iska caabinta daawada cudurka Duumada iyo xanuunka COVID19, haddana tusaale ahaan 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa lix kamid ah dalalka uu culeyska badan saaran yahay ee qeybta ka ah gobolka Mekong ay arkeen in kiisaskooda duumadooda ay hoos u dhaceen 97 boqolkiiba iyo dhimashada ay sababto malaariyada oo sidoo kale hoos u dhacday 99 boqolkiiba.

Dhab ahaantii sanadkii 2019-kii, 27 dal ayaa soo wariyay wax ka yar boqol kiis oo cudurka Malaaiyada ah, laga soo billaabo 6 dal sanadkii 2000.

Xaaladda ayaa sii wanaagsanaan doonta, laakiin kaliya waxay ku xiran tahay rabitaan siyaasadeed si loo dabar gooyo aafadada iyo in la helo dhaqaalaha aan looga maarmin si loola dagaallamo.

Mareykanka waa deeq bixiyaha laba geesoodka ugu ballaaran ee xakamaeynta cudurka malariyada iyo barnaamijka dabar goynta ee caalamiga ah, sanadkan 2021-ka kaalmada labada dhinac ee Mareykankad uu ku bixiyay dadaallada lagu xakameynayo duumada iyo cilmi baaristeeda waxay aheyd $979 million.

Waxaa intaa sii dheer in Mareykanka uu sidoo kale yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee barnaamijka la dagaallanka cudurka AIDS-KA ee Global Fund, Qaaxada iyo malariyada, taas oo ka dhigan 50 boqolkiiba dhamaan kaalmada caalamiga ah ee barnaamijka duumada, hadii la doonayo in malariyada laga adkaado waxaa loo baahan yahay dadaallo intaa ka badan.

Dr Anthony Faucci oo ah agaasimaha machadka cudurrada maqaarka iyo kuwa faafa ee qaranka Marekanka Mareykanka islamarkaana ah lataliyaha caafimaadka ee madaxweyne Joe Biden ayaa yiri, “Hadii aan dooneyno inaan wajahno adkeysiga iyo xitaa dib usoo dhalashada xanuunka Malariyada ee qarniga soo aaddan iyo waxii ka dambeeyaba, waa inaan sii wadnaa dadaalkeenna aan gabi ahaanba dunida oo dhan uga baabi’ineyno cudurkan dilaaga ah, waana wax la smaeyn karo.”

XS
SM
MD
LG