Accessibility links

Breaking News

Qiimeynta baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira El Salvador, Guatemala iyo Honduras


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka. Guatemala, Honduras, iyo El Salvador waxaa caqabad ku ah rabshadaha, musuqmaasuqa, iyo koboca dhaqaalaha oo xadidan, kuwaas oo keenaya socdaal aan caadi aheyn oo ka socda dalalkan oo dadkoodu ay tagayaan Mareykanka. Intaas waxaa sii dheer, seddexduba waxay ku yaalliin waxa loo yaqaan “marinka qallalan,” oo ah dhul hawd oomane kuleyl ah leh oo ku yaal Xeebta Baasifigga ee Bartamaha Ameerika oo aad ugu nugul isbeddelka cimilada iyo Noofambartii la soo dhaafay, Guatemala iyo Honduras waxaa ku dhuftay duufaanno xooggan oo loogu magac daray Eta iyo Iota. Dhacdooyinkaani waxay gacan ka geysteen khasaarihii musiibada ee malaayiin qoys iyo burburka ku yimid wax soo saarka beeraha, gaar ahaan beeraha yar-yar iyo ku-tiirsanaanta, taasoo si baaxad leh u sii kordhisa cunno yarida.

USAID waxay ku bixineysaa ku dhowaad $ 112 milyan oo gargaar bani’aadamnimo oo naf-badbaadin ah oo loogu talagalay gargaarka cuntada degdegga ah, adeegyada nafaqada, biyo la cabbo oo nadiif ah, hoy, barnaamijyo dhalinta dakhli iyo dadaallada yareynta halista musiibooyinka ee saddexda dal. Intaas waxaa sii dheer, inta udhaxeysa Sannadka Maaliyadeed ee 2018 iyo 2020, Waaxda Wasaaradda arimaha dibadda u qaabilsan bulshada, Qaxootiga, iyo Socdaalka waxay bixiyeen $ 248 milyan oo gargaar bani'aadamnimo ah oo loogu talagalay Mexico iyo Bartamaha Ameerika si wax looga qabto baahiyaha qaxootiga, magangelyo-doonka, dadka gudaha ku barokacay, ama IDPs , iyo muhaajiriinta nugul, oo ay kujirto in laga kajawaabto COVID-19 sanad maaliyadeedka 2020. Sanadkan, kudhowaad $ 85 milyan waxa loogu talagalay taageerada howlaha El Salvador, Guatemala, iyo Honduras.

Intaas waxaa sii dheer, USAID waxay gobolka geysay koox ka jawaabeysa Ka Hortagga Masiibooyinka, oo loo so gaabiyo DART. Kooxdan khubarada ah ee aqoonyahanada ah waxay qiimeyn doonaan burburka, waxay tilmaami doonaan baahiyaha mudnaanta leh, waxay la xiriiri doonaan la-hawlgalayaasha iyo saraakiisha maxalliga ah, waxayna siin doonaan gargaar degdeg ah oo loogu baahan yahay qoysaska dhibaatadu saameysey iyo bulshooyinka ku nool dalalkan.

Gargaarka bani'aadamnimo ee ay bixiso dawladda Mareykanka, iyada oo loo sii marayo USAID iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaa u dheer barnaamijyo horumarineed oo muddo dheer soconaya oo Mareykanku ka fulinayo gobolka. Barnaamijyada noocan oo kale ah waxaa loogu talagalay inay wax ka qabtaan sababaha aasaasiga u ah haajirka aan caadiga ahayn iyo barakaca qasabka ah ee ka dhaca gudaha El Salvador, Guatemala, iyo Honduras. Qayb ka mid ah barnaamijyadan, USAID waxay la shaqayneysaa dawladaha, bulshada rayidka ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee gobolka si loo xoojiyo fursadaha dhaqaale, loo xoojiyo maamulka iyo nabadgelyada, loona dhiso adkeysi weyn xagga isbeddelka cimilada.

Caawinta kuwa u baahan gar-gaarka, waa mudnaanta koowaad ee Mareykanka, waxaana ka go'an in uu taageero dadka Guatemala, Honduras, iyo El Salvador si ayy hagaajiyaan xaaladaha oo ay si kalsooni leh ugu dhistaan noloshooda dalalkooda.

XS
SM
MD
LG