Accessibility links

Breaking News

Si looga hortago musiibo, dunidu waa inay ka gudubtaa Heshiiska Paris


资料照:美国国务卿布林肯
资料照:美国国务卿布林肯

Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dowlada Mareykanka.

Mid ka mida talaabooyinkii ugu horeeyey ee uu qaadey madaxweyne Joe Biden markii uu xafiiska qabtey waxay aheyd inuu saxiixey go’aan dib uu Mareykanka ugu laabanaayey heshiiskii cimilada ee Paris. Heshiiskaasi ayaa ugu baaqayey dalalka saxiixey in ay dhimaan qiica ay hawada ku daayaan si loo yareeyo kululaanshiyaha cimilada dunida, looguna hayo wax ka hooseeya 2 cabirka Celsius-ka oo ah mid ka hooseysa ka hor xiligii warshadahani aysan soo bixin dunida. Sidoo kale wuxuu dhigaayey heshiiskan in dadaal loo galo sidii loogu xadeynlahaa kororkaas hal iyo bar Celisius.

Balse hadalkii uu dhawaan jeediyey xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayuu ku sheegey in dunidu ay horeyba uga dib dhacdey hiigsigii lagu heshiiyey lix sano ka hor oo aheyd markii la saxiixey heshiiskii Paris.

Xoghaye Blinken ayaa sheegey “Waxaanu hada ognahay in aysan meel fog gaarin bartilmaameedkii ama heerkii lagu heshiiyey bilowgiiba. Maanta, saynisku waa mid cad. Waxaanu u baahanahay in aynu kuleylka dhulka ku heyno hal iyo bar cabirka Celsius-ka si masiibo looga nabadgalo”

Mareykanka ayaa ah wadanka labaad ee ugu weyn ee adeegsada gaaska waxyeela hawada iyo deegaanka, wuxuuna kaalmo muuqata ka geysan karaa sida xasaradan loo wajahayo. Xoghaye Blinken ayaa waxa uu yiri oo kale “Taasi ma noqoneyso mid xalka ku filan, xataa haddii ay Mareykanka ay gaaraan in gabi ahaanba jaraan qiiqa ay hawada ku daayaan bari, wali weynu guuldareysaneynaa hadii aynaan wajihi karin in ka badan 85% qiiqa hawada galaya ee ka imaanaya dunida inteeda kale. Waxaa kale oo uu xusey in arrimahaas oo anan wax laga qaban ay keenayaan cawaaqib ballaaran.

“Sheeg caqabad amaan oo jirta, isbedelka cimiladu waa uun kaga sii dareysaa”

Blinken ayaa waxaa kale oo uu yiri “Isbedelka cimilada waxay kaga sii dartaa colaadaha jira waxaana ay kordhisaa fursadaha ay colaado kale ku bilaaban karaan gaar ahaan wadamada ay dowladahoodu liitaan, qeyraadkooduna yar yahay. 20ka dal ee ay Laan-Qeyrta Cas ku tilmaantey kuwa ugu nugul isbedelka cimilada 12 ka mida waxaa hadaba ka jira colaado hubeysa”.

Isbedelka cimilada waxa ay sidoo kale abuuri kartaa furimo cusub oo colaadeed sida tan Arctica, halkaasoo ay Ruushku isku dayayaan in ay la wareegaan gacan ku heynteeda ayuu yiri xoghaye Blinken, waxaa kale oo uu intaas raaciyey “waxa ay casriyeynayaan fadhiisimahoodii Arctic waxaana ay dhisayaan kuwo cusub, oo ay ka mid tahay mid 300 Miles u jirta Alaska. Shiinaha isna waa uu kordhinayaa joogitaankiisa Arctica sidoo kale”

Waxaa kale oo hoosta uu ka xariigey Blinken in isbedelka cimilada noqon karo sabab kale oo keenta kororka muhaajiriinta. “waxaa jirtey sedex duufaanood oo Atlantica ka dhacdey sanadkii 2020ka waana tiradii ugu badneyd abid ee la diiwanageliyey. Wadamada Bartamaha qaarada America si adag oo gaar ah ayuu u saameeyey. Marka ay masiibadu dadka ku dhacdo, kuwaasoo markii horeba faqri ku noolaa iyo amni la,aan, waxay noqon kartaa tii ugu danbeysey eek u riixda in ay deegaankooda ka barakacaan si ay u helaan meel ka wanaagsan oo ay ku noolaadaan”

Blinken oo hadalkiis asii wata ayaa sheegey “Maamulka Biden iyo Harris waxa ay wax badan ka sameyn doonaan oo aanan taariiqda laga sameyn xasarada ka taagan isbedelka cimilada,wax walba ayaanu isticmaali doonaa oo dadaal ah dowlada iyo qarankaba,mustaqbalkeenu wuxuu ku xiran yahay go,aanka aynu maanta qaadano”

XS
SM
MD
LG