Accessibility links

Breaking News

Iskaashiga caafimaad ee Mareykanka iyo Nigeria


Faalladan waa mid ka tarjameysa aragtiada Dowladda Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bishii April sheegay, in Nigeria iyo Mareykanka ay muddo sannado ah si wada jir ah iskala shaqeynayeen horumarinta daryeelka caafimaadka.

“Waxaan ku gaarnay in ka badan 60 milyan oo reer Nigeria ah barnaamijyo lagu tababaro shaqaalaha caafimaadka bulshada, maalgashi lagu sameeyo xarumaha caafimaadka, iyo in la wanaajiyo helitaanka daawooyinka, tallaalada iyo daryeelka caafimaadka taranka."

Isaga oo ka hadlayay shir ku dhacay qaabka online-ka ee tooska la isaga arki karo, kaasoo looga hadlayay iskaashiga dhanka caafimaadka ee Mareykanka iyo Nigeria, ayuu xoghaye Blinken madasha ka yiri, “In ka badan 1.3 milyan oo qof oo qaba cudurka HIV / AIDS ayaa ku jira daweynta naf badbaadinta, iyada oo loo marayo barnaamijka Mareykanka ee lagula dagaallamayo HIV / AIDS-ka adduunka oo dhan, PEPFAR:”

“Waa guul la taaban karo oo ah in barnaamijka uu si dhaqso ah u soo xirayo xakameynta cudurrada faafa ee labada sano ee soo socota gudaha Nigeria.

Hindisaha Madaxweynaha Mareykanka ee lagula dagaallamo kaneecada, wuxuu maalgeliyay 60 milyan oo maro kaneeco ah iyo daawooyin naf-badbaadin ah si loo daaweeyo ilaa 130 milyan oo cudursidayaasha keena mallaariyada, kuwaas oo gacan ka geystey dhimista dhimashada cudurka duumada in ka badan kalabar tobankii sano ee la soo dhaafay. Taasi waa guul la taaban karo.

Sannadki hore, Hey’adda Caafimaadka Aduunka ayaa ku dhawaaqday in Nigeria laga cirib-tiray cudurka Booliyada, taasoo ah guul weyn oo ay xaqiijiyeen shaqaalaha aanan daalin ee safka hore, kuwaas oo ay dowladda Mareykanka ku faaneyso in ay ku taageertay Hindisaha Caalamiga ah ee Ciribtirka Dabeysha.”

Hadda, Mareykanak iyo Nigeria iyo guud ahaan adduunyada ayaa wajahaya cudurka faafa ee COVID-19.

“Mareykanka waxaa ka go’an in uu Nigeria ka caawiyo cudurka COVID-19, si looga baabi’yo dalkaasi iyo guud ahaan meel walba.” Sidaasi waxaa yiri Blinken:

Wuxuu intaasi sii raaciyay, “Waxaa ku yaboohnay lacag dhan $2 bilyan mashruuca COVAX, ee loo soo gaabiyo Hindisaha Caalamiga ah ee Tallaalka COVID. Waxaan kaloon ballan qaadnay inaan bixinno laba bilyan oo dollar oo kale, hadda ilaa sannadka 2022-ka. Dalalka kale ayaa iyaguna sare u qaaday hammigooda ah in ay lacago bixiyaan. Waxaan ku faraxsan ahay in tallaalkaasi COVID ee mashruuca COVAX uu gaaray Nigeria.”

Mareykanka iyo Nayjeeriya waxay iska kaashanayaan xarunta la socodka cudurrada faafa, ka jawaab celinta cudurka dillaaca, hawlgallada shaybaarka, falanqaynta xogta, iyo hawlgelinta tallaalka. “Waa sii socon doonaa maalgelinteenna ku kaceysa shanta bilyan ee dollar iyo iskaashigeenna muddada dheer soo jiray,” ayuu yiri Blinken, “Tani waa tijaabada xiriirkeenna xooggan ee ixtiraamka ku dhisan, kaasoo aan sannadaha badan kasoo shaqeyneynay ee u dhaxeeya shacabka Mareykanka iyo Nigeira.”

Xoghaye Blinken ayaa shaaciyay in bilaha iyo sannadaha soo socda ay muhiim u noqon doonaan, awoodda wadashaqeynta dhinaca caafimaadka si loo horumariyo caafimaadka dadka Nigeria.

“Waxaan ranbaa inaan idin soo gaarsiiyo dhammaantiin, sida Mareykanka uu ugu faraxsanyahay wadashaqeynta iskaashiga ku dhisan ee dhanka caafimaadka Nigeria.”

XS
SM
MD
LG