Accessibility links

Breaking News

Wada-shaqeyn dhinacyo badan ah ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto caqabadaha adduunka


Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida dowladda Mareykanka.

Ma jiro waqti ka nabaddoon kana barwaaqo badan taariikhdan casriga ah, tan iyo marki la aas-aasay Qaramada Midoobay.

Waxaan ka hortagnay iskudhacyo hubeysan oo u dhaxeeya dalalka ku hubeysan niyukleerka. Waxaan ka caawinnay malaayiin qof in ay ka baxaan saboolnimada, waxaana si aanan horay loo arag aan u horumarinnay xuquuqda aadanaha,” Sidaasi waxaa shir uu 7-badi May yeeshay Golaha Amaanka ka sheegay, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Taasi waxay ku dhacday sababo la xiriira Dagaalki Labaad ee dunida kaddib ayaa waxaa dhacday in dalal badan ay ka leexdaan fikrado hore oo lagu saadaalinayay in tartanka dalalka uu horseedo iskudhacyada sababa colaadaha, iyo sidoo kale soo ifbixitaanka dal uu kor u soo kaco ay keento in kuwo kale ay hoos aadaan.

Blinken oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in xasuuqii dagaalka kaddib ay ummaduhu ku midoobeen Qaramada Midoobay. “Dalalku waxay doorteen in ay qaadaan dariiq ka duwan kii hore,” ayuu yiri xoghaye Blinken.

“Waxaan qaadanay mabaadi dhowr ah si looga hortago isku dhaca loona yareeyo dhibaatada aadanaha, in la aqoonsado oo la difaaco xuquuqda aadanaha, si loo kobciyo wadahadal socda si loo ilaaliyo loona hagaajiyo nidaam looga dan leeyahay in dadka oo dhan looga faa'iideysto.”

Laakiin inkasta oo ay jiraan guulahaasi aanan horay loo arag ee ku saleysan howshan geesinimada leh, ayaa waxaa jirta khatar weyn oo ka imaneysa dadka xambaarsan afkaaraha qowmiga ee, caburin iyo loolanka ka dhex jira waddamada, iyo sidoo kale weeraro sii xoogeysanaya oo ka dhan amarka ku saleysan xeerarka.

Si kastaba ha noqotee, haddii aan dooneyno inaan xallino caqabadaha waaweyn ee adduunka ee inagu soo food leh, kaliyah suurtagal ma noqon doonto iskaashiga dhinacyo badan ee waa mid lama huraan ah, ayuu yiri xogyahe Blinken. “Iskaashiga dhinacyada badan ayaa wali ah xalka ugu wanaagsan ee aan uga hortagi karno caqabadaha waaweyn ee dunida.”

“Xanuunka faafa ee COVID-19 wuxuu baddalay nolosha dhammaan caalamka sida aan ka warqabno. Waxaa jira malaayiin qof oo u dhimatay, wuxuuna aad u saameeyay dhaqaalaha, waxbarashada iyo horumarka bulshada.

Xasaradaha isbaddalka cimillada ayaa ah khatar kale oo weyn. Haddii aanan si dhaqso ah u howlgalin oo aanan u jarin hawada wasaqeysan, natiijadu waxay noqon doontaa masiibo.” Sidaasi waxaa yiri Xogyahaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Waxaan dhisnay nidaam ku saleysan iskaashi dhinacyo badan leh kaasoo qeyb ka ah xalka dhibaatooyinka waaweyn sida kan oo kale. Danaha guud ahaan dadka caalamka ayaa ah hadda mid isku wada jirta, ma jiro dal gaar ah awoodduu doono ha lahaadee oo xallin kara mushkiladda taagan ee Isbaddalka Cimiladu keentay.”

“Taasi ayaa ah sababta uu Mareykanka uga shaqeyn doono sidi loo joojin lahaa cudurka COVID-19 isaga oo u maraya hey’adaha caalamiga ah ee Iskaashiga Dhinacyada badan. Waxaan u hogaansami doonnaa mabaadi’da aasasiga ah iyo amarrada caalamiga ah taasoo ah waxa aan sameyno,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

XS
SM
MD
LG