Accessibility links

Breaking News

Ka caawinta Sudan inay gaarto awooddeeda


Samantha Power, USAID
Samantha Power, USAID

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Iyadoo ka hadlaysay Shirkii Paris ee Suudaan, Maareeyaha Wakaaladda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga ah ee USAID, Samantha Power ayaa ku dhawaaqday in xil katuuristii 2019 ee kaligii taliyihii Suudaan “ay dib u xaqiijisay in meel kasta oo ay garaacdo, in wadnaha aadanaha uu jecel yahay sharaf. Si kasta oo kaligood-taliyeyaasha raaxo ay u dareemayaan, si kasta oo ay isaga fogeeyaan caqabadaha, kuwa ku sii haya xukunka awood muddo tobannaan sano ah, xaqiiqdii kama badbaadi karaan rabitaanka shacabkooda. ”

Mareykanka waxaa ka go'an inuu taageero Suudaan maaddaama oo ay wado isbadalkeeda dimuqraadiyadeed. Maamule Power ayaa ku ammaantay Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee rayidka ah ee Suudaan dib-u-habeynteeda siyaasadeed iyo dhaqaale, gaar ahaan taageerada cod ee xuquuqda haweenka.

Iyadoo Suudaan ka shaqeyneyso inay iska xirto boggii taliskii Bashiir, Haddana, Daarfuur weli waa goob ay ka socdaan rabshado qaraar, oo mararka qaar ay ka dhacaan rabshado ku saleysan isir iyo weerarro ay qaadaan maleeshiyooyin.

Suudaan waxay geysay ciidamo dheeri ah taas oo qeyb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu soo celiyo xasilloonida, Maamule Samantha Power ayaa tiri "waxaan ku bogaadinaaynaa dadaalka sii socda ee lagu gorgortamayo nabad xasilloon oo ka dhalata obolka oo ay soo mareen tobannaan sano oo rabshado."

Maaddaama Dowladda Ku Meel Gaarka ah ee rayidku uu hoggaamiyo ay qaadday tallaabooyin ay ku xaqiijineyso amniga dadka reer Suudaan, waxaa muhiim ah in sidoo kale la ogaado tallaabooyinka la qaaday si loo helo amni dhaqaale.

Go’aanka bangiga dhexe ee sabaynta lacagta Pound-ka Suudaan ayaa gacan ka gaysan doona kor u qaadida xasiloonida dhaqaale ee muddada dheer. Dib-u-habeyn dheeraad ah oo qorsheysan oo lagu sameeyo xeerarka waaxda gaarka loo leeyahay ayaa gacan ka geysan doonta soo jiidashada maalgashi shisheeye oo aad loogu baahan yahay. Tallaabada geesinimada leh ee meesha looga saaray kabista shidaalka waxay ahayd tallaabo lagama maarmaan ah oo lagu caawinayo cabirka miisaaniyadda qaranka iyo buuxinta shuruudaha IMF ee deyn cafinta.

Laakiin ammaahdayaasha iyo saaxiibbada Suudaan ayaa ah ah iyaguna inay doorkooda gutaan. Furaha dadaalkaas ayaa gacan ka geysanaya in laga cafiyo deyn dhan $ 60 bilyan oo Suudaan ay ku ururtay sannadihii la soo dhaafay.

Mareykanku wuxuu si weyn u taageersan yahay in Sudan laga cafiyo deynta. Suudaan waxay dhawaan iska bixisey lacagihii loogu lahaa World Bank ka dib markii Mareykanku uu siiyay $ 1.15 billion oo deyn ah: waa tallaabo muhiim ah oo u fureysa waddooyin ay taagaeero dhaqaale ku heli karto.

Mareykanka waxaa ka go'an inuu bixiyo deeqo si looga caawiyo buuxinta meelaha dhiman ee maaliyadeed. Midowga Yurub, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, iyo Iswidhan waxay ku heshiiyeen inay sidaas oo kale sameeyaan.

Taageeradani waxay muhiim u noqon doontaa sare u qaadista dhaqaalaha Suudaan iyo hubinta in dalku leeyahay ilo dheeri ah oo lagula dagaallamo saamaynta cudurka faafa ee COVID-19.

Mareykanka waxaa ka go'an inuu taageero dib-u-habeynta dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha ee Suudaan iyo inuu gacan ka geysto dib-ugu noqoshada waddankaasi ee bulshada adduunka.

XS
SM
MD
LG