Accessibility links

Breaking News

Xaaladaha Hong Kong oo sii xumaanaya


Faallada soo socota, waa mid ka tarjameysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Sannad ayaa laga joogaa marki ay Dowladda Shiinaha billoday in ay dhaqan geliso Sharciga Amniga Qaranka ee ee Hong Kong. Sharcigaas iyo xeerar kale oo dhawaan lasoo saaray ayaa qeyb ka ah dadaallo isdaba jog ah oo ay Beijing ku shiiqineyso xorriyadda ka islaaxday Hong Kong kaddib heshiiskii Shiinaha iyo Brirain, kaasoo dhigayay in Hong Kong ay xorriyad ka madax bannaan Shiinaha ku naalooto, kaddib ka bixisti Britian oo gobolkaasi gumeysatay.

Hadda qaanuunkan cusub ee Amniga Qaranka ee Hong Kong ayaa carqaladeeyay xorriyadaas isla markaana uga sii daray xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Hong Kong.

Bayaan uu uga hadlay sannad-guuradi koowaad ee Xeera Amniga Qaranka Hong Kong, ayuu xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ku sheegay, in tan iyo marki ay billowdeen dibadbaxyadi 2019, ay dowladda hoose ee gobolka xirtay kumannaan ruux oo xarigooda ku muteystay sida ay uga hadleen siyaasadaha ka dhanka ah xorriyadda Hong Kong ee kasoo baxay dowladda Shiinaha, siyaasadaas oo aysan ogoleyn reer Hong Kong. Wariyaasha waxaa loo xirayaa gudashada waajibaadkooda, maamulka Hong Kong wuxuu si joogta ah iyada oo ay siyaasadi ka danbeyso xoojiyay olole ka dhan ah xorriyadda saxaadda.

“Beijing waxay tuurtay samcaddii isla xisaabtanka ee Hong Kong, taasoo ku dhisneyd isla xisaabtanka dowladda iyo xushmadda xorriyatul-qoylka shakhsiyaadka. Waxay kaloo jebisay ballanqaadkeedii ahaa in aysan fara-gelin doonin ismaamul hoosaadka Hong Kong ee soo jiray muddada 50-ka sano,” ayuu yiri Secretary Blinken.

Iyadoo ay jirto dhibaatooyinkaasi iyo dulmiga ay Beijing ku heyso hey’adaha dimoqraadiga ah ee Hong Kong, ayay dowladda Mareykanka qaadday tallaabooyin. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay cunaqabateyn dul-dhigtay 7 sarkaal oo ka mid ah Dowladda Shiinaha. Dadkaasi waxaa ka mid ah Agaasime ku xigeennada Dowladda Shiinaha u qaabilsan xafiiska siyaasadda ee Hong Kong, kuwaas oo si toos ah saameyn ugu leh mashaariicda dowladda dhexe ee gobolka Hong Kong.

Cunaqabateynta la saaray ayaa uga dhigan in Mareykanka uu xayiray dhammaan hantidooda, taasoo ay ku muteysteen ficillada ay ku wiiqeen dimoqraadiyadda ismaamulka Hong Kong.

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Waaxda Maaliyadda, Waaxda Amniga Gudaha iyo tan ganacsiga ayaa si isku mid ah u soo saaray digniin ku aadan dadka Mareykanka ah ee raba in ay ka ganacsadaan Hong Kong, sababo la xiriira in ay dhibaato kasoo gaarto Xeerka Amniga Qaranka ee Shiinaha uu ku rogay Hong Kong.

Xeerkaas iyo kuwo kale oo dhawaan soo baxay ayaa wiiqaya sharciga iyo kala danbeynta gobolka.

“Isbaddaladi sannadki hore ka dhacay Hong Kong waxay si cad u muujinayaan khatar isugu jirta dhaqaale, mid shacri iyo mid sumcadeed oo soo food-saartay shirkadaha caalamiga ah. Sidaasi waxaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda.

Khatarta waxaa ka mid ah muraaqabeyn kaamirooyin lagula soconayo dhaqdhaqaaqooda iyo inaysan heli doonin meelo ay shirkaduhu ku ilaashadaan macluumaadkooda sirta ah, in ay yaraato helitaanka macluumaadka iyo in ay khatar u galaan aargudasho looga aarguto xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka.

Waxaa intaasi sii dheer cunaqabateyn iyo suurtagalnimada xarig loo geysto sababo la xiriira ganacsiga ay ku leeyihiin Hong Kong iyadoo loo cuksanayo qaanuunka amniga qaranka ee Hong Kong ay dul dhigtay Dowladda Shiinaha.

Xoghaye Blinken wuxuu sheegay in cunaqabateynta la saaray saraakiisha Dowladda shiinaha ay muujineyso, in dowladda mareykanka ay sii wadi doonto in ay u hadhaso Hong Kong isla markaana ayiddo la xisaabtanka ay kula xisaabtameyso dowladda Shiinaha jabinta ay jebisay wacadkeedii ahaa in ay ixtiraami doonto madaxbannaanida Hong Kong.

XS
SM
MD
LG