Accessibility links

Breaking News

U dabbaal degidda heshiiska Abrahams Accord


Tani waa faalo ka turjumeysa aragtida dowlada Mareykanka

Waxaa laga joogaa hal sano tan iyo markii hogaamiyayaasha Bahrain, Israel iyo midowga Imaaraadka Carabta ay ku saxiixeen heshiiskii taariikhiga ahaa ee Abraham Aqalka Cad si ay u caadiyeeyaan xiriirkii Israel iyo labadan dal ee Carbeed. Laba bilood ka dib Morocco iyo Israel ayaa iyana saxiixdey heshiis ay ku caadiyeynayeen xiriirkooda bishii January ee sanadkan 2021kana Sudan ayaa sidaas oo kale sameysey.

Xoghayaha arrimaha ibada Mareykanka Antony Blinken ayaa u dabaal degey sanadguuradii koowaad ee heshiiskaas isagoo kulan Muuqaal Arag ah la yeeshey Ra’iisul wasaraha Israel Yair Lapid wasiirka arrimaha dibada ee Morocco Nasser Bourita,wasiirkii hore ee arrimaha dibada Imaraadka Anwar Gargash iyo safiirka Bahrain ee Mareykanka Abdullah Khalifa.

Xogahaye Blinken ayaa hoosta ka xariiqey faa’iidada heshiisyadaas sida ay muhiim u ahayeen. Heshiisyadaas diblomaasiyadeed ayaa noqdey kuwo saameyn yeesheyw axaana ay keeneen in Israel ay safaarado ka furato dalalka Imaaraadka, iyo Bahrain sidoo kalena Imaaraadka iyo Bahrain ayaa magacaabeys afiiradoodii ugu horeeyey ee u fadhinaya Israel. Israel iyo Morocco ayaa isku raacay in ay horumariyaan xiriirkooda waxaana ay qorsheynayaan in xafiisyadoodii diblomaasiyadeed ay u rogeen safaarado buuxa mustaqbalka dhow.

Fursadaha dhaqaalaha, hal abuurka ama curinta iyo wadashaqeynta ayaa sidoo kale ka dhex muuqdey dalalkan.

“Dalka Imaaraadka Carabta waxa uu ka dooney maalgashi baaxadweyn oo uu ku sameeyo qeybaha muhiimka ah ee Israel sida Tamarta, dawada, Technolojiyada, daryeelka Caafimaadka” sidaasi waxaa yiri xoghaye Blinken, waxaa kale oo uu intaasi raaciyey in shirkadaha gaarka ah ee wadamadani ay ka wada-shaqeynayaan dhinaca Sayniska.

Sidoo kale xoghaye Blinken ayaa sheegey in xiriirka dadka dhexdooda ah uu sidoo kale soo korey waxaa kale oo uu sheegey in “ waxaa jirey baahi ay dadku u qabeen in uu midba kan kale dhaqankiisa barto, inuu arko dhinac cusub, isku dayo cuno cusub, sameysto saaxiib cusub, dhamaan waaya aragnimadaasi oo meesha ka maqneyd mudo dheer, hada wxay u muuqdaan in waqtigaasi tegey la soo kabayo”

Xoghaye Blinken ayaa sheegey “in sii qotodheeraanshiyaha xiriirka ka dhexeeya dadka ku wada-nool Bariga Dhexe ay dhiseen aasaas wanaagsan oo lagu xaliyo caqabadaha kaasoo u baahan wadashaqeyn ay yeeshaan bulshooyinka sida yareynta xiisadaha, la dagaalanka argagixisada iyo ka hortaga isbedelka cimilada”

Waxaa kel oo uu sharxay sida ay u muhiim u tahay “dhismaha xiriirkan iyo kororka caadiyeynta xiriirka wadamada si loo garao horumar la taaban karo si loo wanaajiyo nolosha dadka Falastiiniyiinta horumarna looga gaaro arrimaha mudaba soo taagnaa ee ah sidii loo xaqiijin lahaa wadahadalado nabadeed oo dhex mara Falastiin iyo Israel, waxaa kale oo uu xoghaye Blinken cadeeyey in labada dhinac ay xaq u leeyihiin si siman xoriyad, amaan, fursado iyo Sharaf, sidoo kale oo uu sheegey in Mareykanka ay sii wadi doonaan taageerada iyo dhismaha heshiisyadan taariikhiga ah iyagoo u maraya sedex wado oo kala ah “wanaajinta xiriirka Israel iyo wadamada isku raacay in ay caadiyeeyaan xiriirkooda, in la sii xoojiyo xiriirada hadaba jira ee Israel ay la leedahay Masar iyo Jorda, iyadoo wadamada kalena lagu dhiirigalinayo in ay kusoo biiraan heshiiska Abraham.

Xoghaye Blinken ayaa yiri “Caadiyeynta xiririka waxa ay horseedaa xasilooni, wadashaqeyn dheeri ah, horumaro labada dhinac ah iyo dhamaan waxyaabaha uu gobolka iyo duniduba xiligan aadka ugu baahan tahay."

XS
SM
MD
LG