Taani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaad 180 million oo dollar oo dheeraad ah ugu deeqaysa dhibaatooyinka binu’aadanimo ee qowmiyadda Rohingya ha ay ku wajahayaan gudaha iyo dibadda dalka Purma, sidoo kale qaxootiga Rohingya ha iyo iyo saameynta ay ku yeesheen bulshada marti galisay ee dalka dariska la ah Bangladesh.
Dhamaadkii bishii September, danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield ayaa ku dhawaaqday deeqda lacageed, taas oo wadarta guud ee deeqda Mareyknaka uu ugu talagalay in lagula tacaalo dhibaatada binu’aadanimo ka dhigaysa 1.5 billion oo dollar tan iyo bishii AUGOST ee sanadkii 2017-dii, markaas oo in ka badan 740,000 oo Rohingya lagu qasbay inay badbaado u raadsadaan magaalada Cox’s Bazar, ee Bangladesh, taas oo ka dhalatay dhibaatooyin isir sifeyn, xasuuqyo kale oo naxariis darro ah iyo xadudubyo nimuaanimo oo ka dhacay gobolka Rakhine ee Purma.
“Gargaarkan waxuu badbaadin doonaa nolosha dadka,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield oo intaasi ku dartay, “kaalmada waxay bixin doontaa ilaalin, gabbaad, cunto, biyo nadiif ah, adeeg caafimaad iyo taageero masxkixiyan. waxay waxay gacan ka geysanaysaa u diyaar garaowga masiibooyinka iyo gargaarka COVID19 ee Rohingya-ha, waxay kaloo xoojin doontaa galangaalka waxbarashada iyo tababarka xirfadaha dadka Rohingya-ha ee ku sugan Bangaladesh.
Danjire Thomas-Greenfield ayaa ku amaantay dowladda Bangladesh iyo shacabkeeda, mas’uuliyad ballaaran ee ay iska saareen martigalinta qaxootiga, gargaarka binu’aadanimo ee Mareykanka wuxuu sidoo kale taageero siinayaa in ka badan 472,000 xubnood ee saameynta ay ku yeelatay ee bulshada deegaanka martida loo yahay ee Bangladesh.
War-saxaafadeed ku saabsan maalgalinta dheeraadka ah ee Mareykanka ayuu afhayeen waaxda arrimaha dibadda Ned Price hoosta kaga xarriiqay baahida loo qabo sii wadidda ballanqaadka beesha caalamka ee lagu xallinayo dhibaatadan.
Waxuu sidoo kale ku ammaanay shacabka iyo dowladda Bangladesh sida wanagaasan ee ay uga jawaabeen dhibaatada qaxootiga migangalyada u raadsaday dalkooda, isagoo intaasi raaciyay.
“Si kastaba ha ahaatee, kaalmo dheeraad ah ayaa loo baahan yahay, waxaan ku boorrinaynaa deeqbixiyeyaasha kale inay la yimaadaan lacago dheeri ah oo lagu xoojiyo islamarkaana kor loogu qaado taageerada gobolka Rakhine/dhibaatada qaxootiga Rohinygya-ha.”
Afhayeen Price ayaa ku tilmaamay qaar badan oo kamid ah kuwii fuliyay fagmabigii milatari ee Purma ka dhacay bishii February ee sanadkan 2021-ka ay yihiin shaqsiyaadka mas’uulka ka ah dhibaatada heysata dadka Rohingya-ha, iyo sidoo kale tacaddiyada iyo xadgudubyada kale ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha lagula kacay xubno kamid ah, qowmiyadaha iyo kooxo diimeedyada laga tirada badan yahay.
“Taliska Milatariga waa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku joojiyaan xadgudubka oo xabsiga ay kasii daayaan dhamaan dadka sida caddaalad darrada u xiran, islamarkaana ay soo celiyaan dhabbihii dimoqoraadiyadda ee Purma iyo dhaqan galinta is afgaradka ASEAN’s Five Point Consensus.”
Waxuu ku dhawaaqay in taliska ay ugu yeerayaan inay si deg deg ah u ogolaadaan helitaanka arrimaha binu’aadanimada ee dadka u baahan, oo ay kujiraan,gaarsiinta kaalamada lagula tacaalayo xanuunka COVID19.