Accessibility links

Breaking News

Ilaalinta kaymaha waxay waajib u tahay in laga gudbo isbeddelka cimilada


Tani waa Faallo ka tarjumeysa arragtida Dowaldda Mareykanka.

Ilaalinta kaymaha adduunka ayaa muhiim u ah dadaalka caalamiga ah ee lagu dhimayo isbeddelka cimilada. Sannad kasta, kaymuhu waxay qabtaan oo kaydiyaan ilaa 15 boqolkiiba qiiqa caalamiga ah ee gaasta aqalka dhirta lagu koriyo ee carbon dioxide.

"Haddii aan dhammaanteen ka wada shaqeyno si aan u hubinno in kheyraadkan qaaliga ah la ilaaliyo… kaymaha ayaa awood u leh inay yareeyaan kaarboonka adduunka in ka badan saddex meelood meel," ayuu yiri Madaxweyne Joe Biden oo ka hadlayay Shirka Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay ee "Tallaabada Kaymaha iyo Isticmaalka Dhulka" .

"Ilaalinta kaymahayaga iyo nidaamyada kale ee deegaanka ee muhiimka ah waa … qayb lama huraan ah oo lagu ilaalinayo hadafyada cimilada inaan gaarno iyo sidoo kale mudnaanta kale ee muhiimka ah ee aan wada leenahay: hubinta biyaha nadiifka ah, ilaalinta kala duwanaanshaha noolaha, taageeridda bulshooyinka reer miyiga ah iyo kuwa asaliga ah, iyo yaraynta khatarta fiditaanka cudurrada."

Sidaa darteed, waxay macno samaynaysaa in heshiiskii ugu horreeyay ee weyn ee lagu saxiixo Shirka Isbeddelka Cimilada, oo ku saabsan ilaalinta kaymaha adduunka. Qaar ka mid ah 100 hoggaamiye oo adduunka ah, oo ay ku jiraan Mareykanka, Brazil, Kanada, Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Indonesia, Russia, iyo Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ballan qaaday in ay soo afjaraan oo wax ka beddelaan xaalufinta dhirta marka la gaaro 2030. Saxiixayaasha ayaa qeyb ka ah 85 boqolkiiba kaymaha aduunka.

Deeq-bixiyeyaashu waxay sidoo kale ballan-qaadeen ilaa 19 bilyan oo doolar si gaar ah iyo maalgelin dadweyne oo loogu sameyn doono dadaallada ilaalinta kaynta, halka 28 waddan ay ka go'an tahay xaqiijinta in ka ganacsiga badeecooyinka muhiimka ah ee caalamka sida timirta, miraha laga sameeyo shukulaatada (cocoa) iyo kuwa kale oo aanay saameyn ku laheyn xaalufinta dhirta.

Iyadoo taa ay jirto, Madaxweyne Joe Biden waxa uu daah-furay qorshe cusub, oo ay dawladdu u dhan tahay oo lagu ilaalinayo laguna soo celinayo kaymaha iyo hab-nololeedyada kale ee muhiimka ah ee adduunka. "Maraykanku waxa uu aduunka ka caawin doonaa sidii aanu u gaarsiin lahayn yoolkeena ee ah joojinta khasaaraha kaymaha dabiiciga ah iyo soo celinta ugu yaraan 200 milyan oo hektar oo kayn ah iyo hababka kale ee deegaanka marka la gaaro sanadka 2030," ayuu yiri Madaxweyne Biden.

"Waxaanu doonaynaa inaan ka shaqayno si aan u hubinno in suuqyadu ay aqoonsadaan qiimaha dhaqaale ee dhabta ah ee uu quusiyo kaarboonka dabiiciga ah iyo dhiirigelinta dawladaha, milkiilayaasha dhulka, iyo daneeyayaasha inay mudnaanta siiyaan ilaalinta.

Waxaan ka shaqayn doonaa sidii uu u socon lahaa maalgashiga qaybta gaarka ah… iyo yoolalka ilaalinta, oo ay ku jiraan dhimista waxyaabaha keena xaalufinta dhirta, in la sameeyo silsiladaha sahayda waara, iyada oo la raadinayo helitaan badeecooyin waara.

"Ilaalinta kaymaha iyo nidaamyada kale ee deegaanka waxay door muhiim ah ka ciyaari karaan buuxinta hadafyada aan dhammaanteenna leennahay ee kuaaddan cimilada taas oo qayb ka ah istaraatiijiyada qiiqa" ayuu yiri Madaxweyne Biden. "Waxaan ku kalsoonahay inaan sameyn karno sidan. Waxa kaliya ee aan u baahannahay waa in aannu sameyno waxa aan dhammaanteenna ognahay in ay sax yihiin islamarkaasina lagamamaarmaan ah intii karaankeenna ah."

XS
SM
MD
LG