Accessibility links

Breaking News

Kaalmada Bini'aadannimo ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe


Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, oo loo yaqaan CAR, waa mid ka mid ah waddamada adduunka ugu horumarka hooseeya, waana mid ka mid ah kuwa ugu nugul, oo ay colaaduhu ragaadiyeen.

Dagaalkii sokeeye oo billowday 2004-tii ee looga soo horjeeday madaxweynihii xilligaas François Bozizé ayaa cirka isku shareeray 2013 markii Bozize xukunka laga tuuray, kaas oo ay hoggaaminayeen kooxda Seleka ee hubaysan.

Seleka iyo mucaaradkeeda, maleeshiyada Ant-Balaka, waxaa dhexmaray iskahor imaad ba'an, oo ay ku dileen kumannaan qof, kuna barakiciyeen in ka badan nus milyan rayid ah oo ku nool waddanka ay dadkiisu ka yaryihiin 5 milyan.

Sanadkii 2016, Madaxweynihii cusubaa, Faustin-Archange Touadéra ayaa la doortay. Bishii Febraayo 2019, dowladda CAR iyo 14 kooxood oo hubeysan ayaa saxiixday Heshiiska Siyaasadeed ee Nabadda iyo Dib u heshiisiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Heshiiska Khartoum.

Si kastaba ha ahaatee, rabshado ayaa dib u soo cusboonaaday ilaa Diseembar 2020 doorashada madaxtinimo, iyadoo madaxweynihii hore ee Bozizé ay maxkamada sare ee dalka ay ku xukuntay inuusan tartami karin, waxaana Madaxweyne Touadera uu ku guuleystay mar kale doorashada.

Dagaal ayaa dhex maray kooxaha fallaagada ah ee taageersan madaxweynihii hore ee Bozize iyo kuwa taageersan xukuumadda CAR.

Sida dhabta ah, dagaallada oo dhan waxa dhibaatadu ka soo gaartaa dadka rayidka ah. Maanta, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika waxay ku dhex jirtaa xaalad degdeg ah oo bini'aadantinimo oo aan la arag heerkeeda tan iyo 2015-kii.

Rabshado baahsan oo daba socda doorashooyinkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha, xasillooni darro siyaasadeed, qarxayada la dhigo waddooyinka muhiimka ah ee gaadiidku maro, daadadka, iyo masiibada COVID-19 ayaa horseeday baahida bini'aadantinimo oo sii xumaaneysa, iyadoo caqabad ku ah gaarsiinta gargaarka lagu badbaadinayo dadka gaaraya 2.6 malaayiin qof oo ay soo food saartay cunto yari ba'an.

Tirada dadka u baahan gargaarka bini'aadantinimo ayaa la filayaa inay kor ugu kacdo 3.1 milyan oo qof.

Mareykanka ayaa weli ah deeq bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini'aadantinimo ee CAR. Dabayaaqadii Noofambar, Samantha Power oo ah madaxa hay'adda USAID ayaa ku dhawaaqday qayb dheeraad ah oo dhan 8.9 milyan oo doollar oo gargaar bini'aadantinimo ah oo loogu talagalay dadka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.


Lacagahaas ayaa kordhin doona helitaanka gargaarka cuntada, iyo sidoo kale daawaynta carruurta nafaqo-xumada hayso iyo taakulaynta hooyooyinka iyo daryeelayaasha. Waxay gacan ka geysan doontaa in dib u habeyn lagu sameeyo waddooyinka si loo horumariyo gargaarka bini'aadantinimo, loo taageero barakacayaasha, iyo bixinta maareynta kiisaska iyo taageerada nafsaaniga ah kuwa ee ka badbaaday dulmiga iyo xadguduyada galmada.

XS
SM
MD
LG