Accessibility links

Breaking News

Doorashooyinka sharci-dejinta Hong Kong ee aan xorta aheyn


Musharrixiinta xisbiga shuuciga ee taabacsan Shiinaha ayaa guul aan la yaab lahayn ka helay doorashooyinkii sharci-dejinta ee Hong Kong ka dib markii sharciyadu isbeddeleen si loo hubiyo in murashaxiinta Beijing taageersan oo keliya loo oggolaado inay u tartamaan xafiiska iyada oo dadka u ololeeya dimuqraadiyadda xabsiga la dhigay.

Marka loo eego sharciyada cusub, tirada xildhibaanada sida tooska ah loo soo doortay hoos ayaa loo dhigay iyaada oo tirada hore ahayd 35 imikana ay tahay 20 iyadoo sharci dejinta la kordhiyay oo halkii ay ahayd 70 kursi laga dhay 90 kursi. Inta badan sharci-dejiyeyaasha waxaa soo magacaabay hay'ado taageersan xisbiga shuuciga ee Shiinaha, iyaga oo hubinayo in ay noqdaan aqlabiyadda sharci-dejinta.

La yaab ma leh, soo bixidda codbixiyeyaashu waxay mar walba ahayd 30.2 boqolkiiba -- tii ugu hoosaysay tan iyo markii Ingiriisku u gacan geliyey Hong Kong Shiinaha 1997kii.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken oo ay weheliyaan Wasiirada Arimaha Dibada ee Australia, Canada, New Zealand iyo Britain ayaa muujiyay "walaac aad u weyn oo laga qabo nabaad guurka qaybaha dimoqraadiyada ee nidaamka doorashada ee Gobolka Maamulka Gaarka ah. Tallaabooyinka wax u dhimaya xuquuqda Hong Kong, xorriyadda iyo madax-bannaanida heerka sare waxay halis gelinayaan rabitaankeenna aan wadaagno ee ah inaan aragno Hong Kong oo guulaysata."

Tan iyo 1997-dii, musharraxiin leh aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan ayaa ku tartamay doorashooyin ka dhacay Hong Kong. Laakiin doorashooyinkii ugu dambeeyay ayaa isku bedelay qaabkan. Dib u habeynta nidaamka doorashada Hong Kong ee la dhaqan galiyay horaantii sanadkan "waxay meesha ka saartay mucaaradad siyaasadeed oo macno leh," ayaa lagu yiri bayaanka wadajirka ah. Dhanka kale, qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee magaalada ayaa weli ku jira xabsiga iyadoo la sugayo in maxkamad la soo taago, iyadoo qaar kalena ay dibadda ku maqan yihiin. Waxaa ka mid ah inta badan 47 musharrax ee ku lug lahaa doorashooyin horudhac ah oo dimoqraadi ah sannadkii hore kuwaas oo lagu eedeeyay "shirqool qaran dumis" sida uu dhigayo sharciga Amniga Qaranka.

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa sheegay inay "si weyn uga walaacsan yihiin saameynta qaboojinta ballaaran ee Sharciga Amniga Qaranka iyo xannibaadaha sii kordhaya ee xorriyadda hadalka iyo xorriyadda kulanka, ee laga dareemayo bulshada rayidka ah oo dhan. NGO-yada, ururada shaqaalaha iyo ururada xuquuqul insaanka ee aan taageersanayn ajendaha dawladda ayaa lagu qasbay inay kala tagaan ama ka baxaan, iyadoo xorriyadda warbaahinta si degdeg ah loo xaddidayo."

Doorasho dimuqraadi ah oo xor iyo xalaal ah ayaa muhiim u ah xaqiijinta xasiloonida iyo barwaaqada Hong Kong. Bayaanka wadajirka ah ayaa ku booriyay "Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha inay u dhaqanto si waafaqsan waajibaadkeeda caalamiga ah si ay u ixtiraamto xuquuqda la ilaaliyo iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee Hong Kong, oo ay ku jiraan kuwa lagu dammaanad qaadayo Baaqa Wadajirka ah ee Sino-British."

Taasi waxay ahayd Faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

XS
SM
MD
LG