Wareeggii todobaad ee wadaxaajoodyada dib usoo usoo celinta u hogaansanaanta heshiiska Nuclear-ka ee qorshaha waxbadka wadirka JCPOA ee Mareykanka iyo Iran ayaa ayaa 17kii December dib loogu dhigay magaalada Vienna.
La taliyaha ammaanka qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay, inkastoo shanti maalmood u dambeysay ka hor dib u dhigista ay waxoogaa horumar ah kusoo kordhiyeen miiska wadahadalka, haddana si wanaagsan uma soconin wadaxaajoodyada, isagoo intaa ku daray in taas ay uga dhigan tahay inaysan wali heynin wadiiqo loo maro qorshaha JCPOA ee heshiiska Nuclear-ka.
Ka hor inta uusan billaaban wareeggii u dambeeyay wadaxaajoodyada 29-kii bishii November, waxaa jiray shan bilood oo hakad uu ku yimid taas oo ka dhalatay imaatinka maamulka cusub ee madaweynimo ee Iran
Markii Iran ay dib ugu laabatay wadahadallada waxay soo bandhigtay soo jeedin ay dib uga noqtay ballan qaadyadii uu sameeyay maamulkii hore ee Iran taas oo sababtay in waddamada E3 ee France, Germay iyo Britain iyo Sidoo kale Mareykanka ay Tehran ku eedeeyeen inaanay si daacad ah u wajahaynin qorshaha.
Mareykanka iyo dalalka E3 ayaa isku raacay in waxoogaa horumar dhinaca farsamada ah laga gaaray waxyar ka ka hor dib u dhgistii dhoweyd. Saraakiisha Mareykanka iyo dalalka E3 ayaa sheegay in hadda uu jiro ugu yaraan si afgarad guud oo ku saabsan qoraallada soo jeedimaha ee u adeegaya aasaaska wadaxajoodyada dheeraadka ah. Laakiin la taliyaha ammaanka qaranka ee Mareykanka Sullivan ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay inuu adkaaday barnaamijka Nuclear-ka Iran oo dib usoo celintiisa ay qaadatay waqti ka badan intii loogu talagalay ama ay filayeen inay natiijo kaga arki lahaayeen.
Arrinka sida gaarka ah looga walaacayo ayaa ah in ilaa iyo 2019-kii Iran ay si sharci darro ah ku ballaarinaysay barnaamijkeeda Nuclearka, taas ka baxsan xadka JCPOA. Waxay kobcinaysaa Uranimum-teeda 60 boqolkiiba oo hab nadiif ah iyadoo joojisay wada shaqeyntii ay la lahey hay’adda IAEA ee tamarta Atomic ee caalamiga ah.
Mareykanka iyo dalalka E3 ayaa walaac qoto dheer ka muujiyay horumarinta Nuclear-ka ee Iran oo mar dhow gaari gaari kara heer waddamada E3 ee dunida iyo qorshaha JCPOA uu noqdo qalfoof maran oo waxba aysan kujirin.
Mid kamid ah waxyaabaha la taaban karo ee kasoo iftiimay wadahadalladii dhowaantan ayuu la taliyaha amniga ee Mareykanka Sullivan ku sheegay, inay yihiin in dhamaan waddamada P5+1 oo ay kujiraan China iyo Russia ay ka mideysan yihiin aqoonsiga iyo muujinta in si deg deg ah loo helo heshiis,, waxaa jira aragti u dhexeysa waddamada waaweyn ee caalamka taasoo aan kaga hortagayno in Iran ay hubka Nuclear-ka yeelato.
In sidaas lagu saameeyo hanaan dilbomaasiyadeed ayuu sidoo kale yiri Sullivan waa habka ugu wanaagsan isagoo intaa ku daray in haddii aysan helin natiijo diblomaasiyadeed baddalkeeda ay noqoneyso dhibaato weyn, taas oo Iran siinaysa waxoogaa dhiirri gelin ah oo ay isugu dayaan inay ku riixaan xeerka billowga wadahalka.