Shirkii dhinaca Internetka ee Dimuqraadiyadda, oo la qabtay bishii Diseembar, oo ay ka qeyb galeen in ka badan 275 wakiillo oo ka kala socday dawlado, bulshada rayidka ah, iyo qeybo kale, ayaa lagu wadaagay fikrado ku saabsan sida loo hana qaadi karo dimoqraadiyadda. Kalfadhiga furitaanka, madaxweynaha martida loo yahay Joe Biden wuxuu yiri "ku qanacsanaan la'aanta sii kordheysa ee dadka adduunka oo dhan ee haysta dowladaha dimuqraadiga ah ee ay dareemayaan inay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan baahiyahooda," waa "caqabadda qeexeysa waqtigan."
Dimuqraadiyadda, ayuu yiri, waxay halis kala kulmeysaa ku qanacsanaan la'aantaas, iyo sidoo kale cadaadiska ka imanaya dowladaha kuwaas oo doonaya in ay ballaariyaan awooddooda iyaga oo ka been sheegaya siyaasadahooda cadaadiska ku saleysan oo ay ku tilmaamayaan "hab waxtar leh" oo wax looga qabanayo caqabadaha maanta.
Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Biden ku sheegey dimuqraaddiyaddu inay tahay "habka ugu wanaagsan ee lagula falgalo kartida aadanaha laguna difaaco karaamada aadanaha, laguna xalliyo dhibaatooyinka waaweyn. Anaga ayay nagu xiran tahay inaan caddeyno taas. . . .Waa in aan u istaagnaa sidii loo heli lahaa caddaalad iyo ku dhaqanka sharciga, xorriyatul-qawlka, isu imaatinka xorta ah, saxaafadda xorta ah, xorriyadda diinta iyo ilaalinta dhammaan xuquuqaha bini’aadmiga ee uu leeyahay qofkasta”.
Madaxweyne Biden waxa uu carabka ku adkeeyay in dimuqraadiyadu ay u baahan tahay waxqabad. Mareykanka, ayuu ballan qaaday, "in uu ku hoggaami doono tusaale, maalgelinta dimoqraadiyadayada, taageeridda saaxiibadayada adduunka oo dhan."
Madaxweyne Biden waxa uu ku tartarsiiyay dimuqraaddiyadda adduunka in ay “helsho aragti ah in ay mar kale hogaamiso socodka horumarka bini aadamka iyo hore u socodka xoriyada aadanaha. . . Waxaan aaminsanahay," ayuu yidhi, "Waan samayn karnaa taas, waananu sameyn doonaa, haddii aan ku kalsoonnahay nafteenna, dimoqraaddiyadeenna."