Tani waa faallo ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka.
Ku dhawaad 11 sano ayaa laga joogaa, marki uu rajiimka Assad uu madaafiic culus, bambooyinka waaweyn iyo gaaska sumeysan kala hortagay dibad-baxayaal nabadeed oo rabay is baddal dimoqraadi ah.
Jawaabtaasi uu dhiigga badani ku daatay ayaa mudaaharaadka nabadeed u baddalay dagaal sokeeye oo lagu hoobtay isla markaana reebay uurkutaallo mahadho ku noqotay dalka iyo dadka Suuriya.
Tan iyo markaasi, ku dhawaad 350,000 oo ruux ayaa ku dhintay colaadda. In ka badan 12 milyan oo ruux ayaa gudaha ku barakacay ama u cararay dalalka deriska ah. Lixdan boqolkiiba dadka waddanka ku haray ayaa 14 milyan oo ka mid ah ay u baahanyihiin gargaar bani’aadannimo gaar ahaan jillaalkaan.
“Shacabka Suuriya waxay la daalaa-dhacayaan jawiga aadka u qaboow iyo cimillada barafka iyo dabeylaha qabowga xambaarsan, malaayiin ayaa u baahan agabyada lagama maarmaanka u ah qabowga jiilaalka.,” sidaasi waxaa tiri Wakiilka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Ambassador Linda Thomas Greenfield.
Xaaladda waxaa uga sii daray COVID-19, qalalaasaha dhaqaale iyo colaadda sii kordheysa. Baahida loo qabo cuntada ayaa gaartay heerki ugu sarreeyay tan iyo marki uu billowday dagaalka sokeeye. Dhinaca waqooyi ee Suuriya, malaayiin qof ayaanan heysan biyo nadiif ah oo ay cabaan oo ku filan. Cudurrada ka dhasha biyaha ayaa aad kor ugu kacay.ayay tiri danjiraha Mareykanka ee UN-ka.
Xilligaan oo ay baahi weyn jirto, waxaa aad muhiim u ah in la hubiyo bixinta gargaar bani’aadannimo oo aan leex-leexad laheyn. Waxaa si gaar ah loogu baahi qabaa saadka caafimaad oo uu ku jiro tallaalka COVID-19, hase yeeshee NGO-yada iyo Shaqaalaha Caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo sannado ah soo warinayay dib-u-dhacyo, faragelin iyo ishortaagid lagu sameynayay gudbinta iyo bixinta gargaarka, kuwaas oo ay kala kulmaan rajiimka Assad.
Dhibaatada ugu weyn ayaa ah xiritaanka dhamaan marinnada laga gudbiyo gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee la geeyo meelaha ay mucaaradka heystaan, marka laga reebo hal marin. Marinka Bab al-Hawa, waa in uu dib u fasaxo bisha July. Taliska Assad iyo xulufadiisa Ruushka ayaa ku adkeysanaya in daabulista cuntada ee lasoo gudbiyo maraakiib lagu keeno Dimishiq iyo dhamaan furumaha hore.
Dowladda Mareykanka waxay taageeyreysaa adeegsiga dhammaan hababka gargaarka lagu gaarsiin karo shacabka Suuriya.
Laakin sababo la xiriira khadadka iyo marinnada laga gudbiyo gargaarka ayaa dhibaato iyo khatar ku ah hey’adaha gargaarka si ay galaangal ugu helaan Suuriyaanka ku nool meelaha ka baxsan dhulka uu taliska Assad maamulo. Waa “Dhameystir, ee ma ahan wax dheeraad ah, ka gudbinta gargaarka ee xadka,” ayay tiri danjire Thomas Greenfield.
Bulshada caalamka “waa in ay si wada jir ah uga shaqeysaa xaqiijinta in marimka Bab al-Hawa kaliyah uusan furnaan, balse la helo ikhtiyaarro badan oo ah furista marinnada ku yaalla xadka, si loo daboolo baahida gargaarka bani’aadannimo,” ayay tir Ambassador Thomas Greenfield.
"Haddii aan siyaasadda dhinac iska dhigno, oo aan si gaar ah diiradda u saarno baahiyaha dadka Suuriya, falkan fudud wuxuu waxyaabo muhiim ah u keeni doonaa kuwa baahida weyn u qaba," ayay tiri Ambassador Thomas Greenfield.
“Xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira Suuriya waxay khatar ku yihiin ammaanka iyo nabadda caalamka. … Waa inay qabannaa wax walba oo karaankeenna si loo hagaajiyo dhibaatadan bani’aadannimo isla markaana ay tallaabo u qaadno baahida dadka Suuriya.”