Accessibility links

Breaking News

Ka caawinta Sudan ee soo-celinta dowladda ay rayidka hoggaamiyaan


Faalladan waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Bishii October ee sannadki 2021, millatariga ayaa talada xoog uga tuuray dowladdii kumeel-gaarka aheyd ee ay majaraha u haysay xukuumadda rayidka aheyd ee Sudan. Arrintaas waxay muujisay in horumarki dhinaca dimoqraadiyadda uu wiiqmay, sidaasi waxaa sheegtay Molly Phee, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee arrimaha Africa, iyo Isobel Coleman, oo ah ku xigeenka xafiiska siyaasadda iyo barnaamijyada ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka oo dhawaan arrintan ka hadlay.

“Waxaan ku bogaadineynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka Sudan ee sii wada in ay waddooyinka yimaadaan iyaga oo naftooda khatar weyn gelinaya si ay u dalbadaan xakun rayid ah iyo dimoqraadiyad,” ayay tiri kaaliye xoghaye Phee. Waxaa iyaduna intaasi hadal ku sii dartay Maareeye Ku-xigeen Coleman oo tiri, “Kumannaan muwaadiniin geesiyaal ah ayaa naftooda khatar gelinaya ku dhawaad maalin kasta si ay u soo afjaraan xakunka musuqa ku dhisan ee millatariga kaas oo cadaabay madaxana kaga istaagay dad badan dhammaan noloshooda.”

Kaddib kacdoonkii geesinimada lahaa ee dadka Sudan sannadki 2018-ki, Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay kaalmadeeda, iyada oo noqotay dalka ugu deeqda ballaaran dowladaha kaalmeeya dowladda kumeel-gaarka ah ee dimoqraadiga Sudan.

Kaalmada ayaa lagu taageeraa dib u qaabeynta dhinacyada muhiimka ah ee dhaqaalaha iyo siyaasadda si horay ay ugu dhaqaaqdo dowladda kumeel-gaarka ah ee rayidka ah iyo in la tusiyo shacabka Sudan in dimoqraadiyadda ay leedahay mustaqbal wanaagsan.

Kaddib marki ay millatarigu khiyaameeyeen ballan-qaadkoodii shacabka, Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay waajibaadkeedii cusbaa ee deeq dhameyd 700 oo milyan oo dollar.

Si dadka Sudan looga caawiyo in ay sii wadaan dhisidda mustaqbalkooda, USAID ayaa sii wadday oo ballaarisay hwolaha ay sare ugu qaadeyso taageerada xillia kala guurka ee dimoqraadiyadda Sudan, taasoo loo kala qaaday saddex qeyb oo kala ah: In la xoojiyo hogaanka siyaasadeed ee rayidka ah; in sare loo qaado xurmeynta xuquuqda aadanaha, oo ay ku jirto xorriyatul-qowlka iyo xaqqa in sinnadad ah loo soo baxo; iyo taageerista dalabka dadka Sudan ee ah in la dhameeyo xakunka millatariga ee muddada dheer hayay dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Isla markaana, baahiyaha bini'aadantinimo ee Suudaan ayaa sii kordhaya. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ku dhawaad 14.3 milyan oo qof oo ku nool Suudaan, ama ku dhawaad saddex-meelood meel dadweynaha, ay u baahan doonaan gargaar bini'aadantinimo sanadka 2022, taasoo ah koror boqolkiiba toddoba ah marka loo eego sannadkii hore. Tan ayaa waxaa qeyb ka ah ku dhawaad 9.8 milyan oo qof oo ay soo food-saartay cunto yari aad u darran.

Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa deeq bixiyaya ugu weyn dadka Suudaan. Sannad maaliyadeedka 2021 iyo 2022, dawladda Maraykanku waxay ku biirisay ku dhawaad $429 milyan oo maalgelin ah si loo bixiyo baahiyaha aasaasiga ah ee qaxootiga, barakacayaasha, xubnaha bulshada martida loo yahay, iyo kuwa kale. Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu daboolo baahiyaha baaxadda leh ee dadka Suudaan wuxuuna ku boorin doonaa deeq-bixiyeyaasha kale inay ku biiraan dadaalladaas.

Hadafka Mareykanka ayaa weli ah inuu ka caawiyo dadka Suudaan inay fuliyaan hammigooda xorriyadda, nabadda, iyo caddaaladda.

XS
SM
MD
LG