Accessibility links

Breaking News

Maalinta Cudurka Xaaqada Adduunka ee 2022


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Bisha March 24-keeda, waa Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Qaaxada. Waa taariikh lagu xuso helitaankii uu Dr. Robert Koch sannadki 1882-ki helay Mycobacterium tuberculosis, oo ah bakteeriyada ama il-ma-aragtada keento cudurka qaaxada.

Xuskaan ayaa ah fursad lagu gudbiyo wacyi-gelinta bulshada ee xanuunkaan oo ka mid ah kuwa ugu duqsan uguna dilista badan caalamka.

Tuberculosis, ama TB ama Qaaxo, wuxuu soo aafeynayay aadanaha kumannaan sano ka hor. Bakteeriyda keento ayaa la rumeysanyahay inay ku dhex-meereysato dadka, walina isaga kala gooshto dadka dhaxdiisa.
Maantadaan la joogto, TB-da ama Qaaxada, waa cudurka ugu dad dilista badan adduunyada marka loo eego cudurrada faafa ee la is qaadsiiyo.

Maalin walba waxaa u dhinta 4,100 oo ruux, ku dhawaad 28,000 oo qofna waa uu ku dhacaa xanuunkan maalin walba.

Inkasta oo ay Qaaxadu tahay cudur laga hortagi karo lana daweyn karo, ayay hadana taasi macnaheedu tahay in cudurka dadka ugu dhintaa badankood ay ku noolyihiin dalalka soo koraya, halkaas oo cudurkani lala xiriiriyo faqriga iyo faquuqa iyo in aysan dalalka soo koraya ku yaryihiin goobaha laga helo dawooyinka lagula tacaalo.

Wali, 20-ki sano ee lasoo dhaafay, inti u dhaxeeyay 2000 iyo 2020, dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dabar-gooyo cudurka Qaaxada ayaa badbaadiyay nolosha dad yaaraya 66 milyan. Nasiibdarro, cudurka COVID-19 ayaa dib u dhigay horumarka, kaddib marki uu cudur-sidaha coronavirus uu ka tan badiyay nidaamka caafimaadka ee dunida sannadki 2020.

Dowladaha ayaa awoodi waayay in ay bixiyaan adeegyada iyo dawada lagula dagaalo cudurka Qaaxada. Taasi ayaa dhalisay in sannadki 2020, marki ugu horreysay muddo ka badan 10 sano ay dhimashada cudurka TB-ada kordhay.

Hal-kudhigga sannadkaan ee Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxada ayaa ah “Maalgeli si loo dhameeyo Qaaxada. Badbaadi Nolola.” Tani waxay si gaar ah muhiim u tahay marka la eego dib u dhacyada uu keenay cudurka COVID-19. Inaga oo kordhinayna maalgelinta lagula dagaalamayo Qaaxada, waxa aanu gacan ka gaysan karnaa hubinta helitaan cadaalad ah oo ka hortag iyo daryeel ah oo aan ku badbaadino malaayiin nafood oo kale iyo dardargelinta dhamaadka cudurka qaaxada.

Mareykanka waxaa ka go'an la dagaalanka qaaxada. Dawladda Maraykanku waa deeq-bixiyaha ugu weyn marka loo eego dowladaha caalamka ee deeqaha ku yabooha Sanduuqa Caalamiga ah ee La-dagaalanka cudurrada AIDS-ka, Qaaxada iyo Duumada, iyadoo bixisya lacah dhan 21 bilyan oo doollar intii u dhaxaysay 2000 iyo 2021. Annaga oo xoogga saarayna dadaalladayada waddamada ay culayska TB-du ku badan tahay, waxaan taageernaa barnaamijyada badbaadinaya nolosha. hagaajinta helitaanka adeegyada caafimaadka ee qof walba, iyo in aan dhaqaajinno dagaalka ka dhanka ah cudurka Qaaxada.

Waxaan ku boorrineynaa saaxibadeenna iyo xulufadeenna in ay raacaan tusaalaheenna oo ay si deeqsinimo leh wax u yaboohaan. Innaga oo ku biireyna dadaalka caalamiga ah ee lagu joojinayo faafista Qaaxada, iyo annaga oo si joogteyneyna inaan maalgelinno, waxaan ku guuleysan karnaa inaan adduunka ka xoreyno cudurka Qaaxada.

XS
SM
MD
LG