Accessibility links

Breaking News

Xoojinta xiriirka Algeria


Antony Blinken
Antony Blinken

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Xiriirka Maraykanka iyo Aljeeriya waxa uu soo taxnaa ilaa 1795-tii xilligaas oo uu Xasan Bashaw Dey xakumayay maamulki la oran jiray Deylik Aljeeriya. Xasan ayaa heshiis nabadeed la saxiixday madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykanka, George Washington. Tan iyo markaas, Aljeeriya iyo Maraykanku waxay horumariyeen xiriir dhaqaale, waxbarasho, iyo dhaqan.

Inti uu ku guda jiray booqashadiisii ugu danbeysay ee uu ku tagay Aljeeriya, ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken faah-faahiyay sida ay muhiim u tahay dadaallada Aljeeriya ay ku hagaajineyso ammaanka iyo xasilloonida gobolka.

“Taasi waxaa qeyb ka ah khibaraddeeda la dagaallanka argagixisada, gargaarka bani’aadannimo iyo midka amni ee ay u fidiso deriska Saaxil, iyo hoggaaminteeda muuqata ee ay xal ugu raadineyso caqabadaha iyada oo loo marayo dhan gobol isla markaana ay hoggaanka u heyso Africa,” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

Arrimaha Libya, Aljeeriya ayaa aheyd cod muhiim u ah dadaallada caalamiga ah si loo horumariyo hannaanka siyaasadeed ee lagu horumainayo doorashooyinka Liibya ee ay daaddihineyso Qaramada Midoobay. Iyada oo garwadeen ka aheyd heshiiskii Algier, ayay Aljeeriya sii waddaa in ay kaalin weyn ka ciyaarto dalka Mali.

Aljeeriya ayaa sidoo kale ka soo ifbaxday gobolka iyada oo hormuud u ah ilaalinta goobaha hidaha iyo dhaqanka, kuwaas oo argagixisada iyo kooxaha dambiyada abaabulan ay si isa soo taraysa u bililiqaystaan si ay u maalgeliyaan hawlahooda sharci darrada ah.

Sannadki hore, Mareykanka iyo Aljeeriya ayaa ka wada shaqeeyay sidii meel la isugu keeni lahaa, saraakiisha dowlada, khubarrada culuumta aasaarta qaddiimiha ah, maamulayaasha xarumaha dhaqanka, kuwaas oo laga kala keenay dalalka Algeria, Libya, Tunisia, iyo Masar.

Khubarradaan ayaa ka xaajooday sidii loo ilaalin lahaa xarumaha dhaqanka ee qadiimka ah isla markaana loo maxkamadeyn lahaa kuwa bililiqeysta xarumahaasi.

Xoghaye Blinken ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in hogaaminta Aljeeriya in ay muhiim u tahay dhowrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha oo ay ku jirto xorriyadda diinta ee dhammaan waxa ay dadka rumeysanyihiin, iyo xorriyadda hadalka – gaar ahaan ka hadalka siyaasadda.

Shirkado badan oo Mareykan ah ayaa doonaya in ay maalgashtaan Aljeeriya, iyada oo kuwi horey u sii joogay ay abuurayaan shaqooyin isla markaana ay gacan ka geysanayaan kala duwanaasha dhaqaalaha Aljeeriya, iyaga oo tababaraya shaqaalaha gudaha, la wadaagaya aqoonta, dhisayana xiriir waqti dheer.

Algeria iyo Mareykanka waxay ka si wada jir ah uga shaqeeyaan la dagaallanka cudurka COVID-19. Mareykanka ayaa ugu deeqday Aljeeriya in ka badan 600,000 oo doos oo tallaaal ah, iyo 35 sariiraha isbitaallada ah, iyada oo bilaha soo socdana la geyn doono dalkaasi isbitaalki labaad oo ah kuwa guurguura ee xaaladaha deg degga ah.

Mareykanka wuxuu rajeynayaa inuu sii wado xoojinta xiriirada dhinacyada amniga, gobolka, dhaqanka iyo dhaqaalaha ee kala dhaxeeya Aljeeriya.

XS
SM
MD
LG