Accessibility links

Breaking News

Rajo u muuqata Reer Yemen


View accross Sana'a, Yemen
View accross Sana'a, Yemen

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Dagaalka ayaa billowday todobo sano ka hor, kaddib marki kooxda Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran ay qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah Yemen, taasoo ku qasabtay madaxweynaha dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee Yemen inuu dalka isaga cararo.

Wixi markaasi ka danbeeyay, Dowladda Yemen ayaa codsi taageero ah ugu qeeshatay Sacuudiga. Sacuudiga ayaa sameeyay isbaheysi u badan dalalka Carabta oo ka dhan ah Xuutiyiinta. Colaadda ayaa horseedday dhimashada dad lagu qiyaasay 377,000, barakicisay malaayiin qof isla markaana sababtay in dadka reer Yemen ay saaxib la noqdaan faqri iyo macluul aad u daran.

Labadi bishi April, markaas oo ku beegneyd maalinti koowaad ee bishi Ramadan, ayaa waxaa dhaqan galay heshiis xabad-joojin ku meel gaar ahaa oo ay gar-wadeen ka aheyd Qaramada Midoobay, kaas oo dhexmaray Dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay joojiyaan howlgallada millatari, in la fududeeyo maraakiibta shidaalka ee raba in ay kusoo xirtaan dekadda Xudeyda, in diyaaradaha ganacsiga kusoo degaan garoonka Sancaa iyo heshiis lagu furayo wadooyinka aada gobolka Taciz iyo meelaha kale ee lagu dagaallamay.

Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Yemen Tim Lenderking ayaa sheegay in heshiiska uu ka dhiganyahay tallaabadi ugu horreysay ee suuragal ah ee loo qaaday xabad-joojin. “Haddii bulshada caalamka iyo dhinacyadu ay si wada jir ah u shaqeyn karaan, tani waxaa loo baddali karaa xabbad-joojin waarta iyo hannaan siyaasadeed oo loo dhanyahay kaas oo ugu danbeyntii qaabeyn kara Yemen cusub,” ayuu yiri Danjiraha iyaga oo intaasi ku daray "Waxaanu rabnaa inaan ku dhisno arrintaan xaalad go’aan kala bax ah oo ka caawin doona Yemen inay dhinac kale isu rogto.

Maalmo kar kaddib marki uu heshiiska dhaqan galay, madaxweynaha masaafuriska ku maqnaa ee Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa talada ku wareejiyay Gole Madaxweyne Ku-meelgaar ah oo cusub, kaas maamui doona dowlad kumeel gaar ah isla markaana wada-xaajod kala gali doona Xuutiyiinta heshiis xabad-joojin joogta ah.

Isla maalintaas, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ballan-qaaday lacag dhan 3 bilyan oo dollar oo ay ku taageerayaan dhaqaalaha Yemen.

Dowladda Mareykanka ayaa ammaantay taageeradaasi dhaqaale, taas oo ka caawin karta Yemen in ay sare u qaaddo heerkeeda dhaqaalaha, waxaa intaasi dheeraa in Sacuudigu ballan-qaaday 300 oo milyan oo dollar oo dheeraad ah oo uu ugu tala galay barnaamijka gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee Yemen.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay soo dhaweysay qaabeynta Golaha Cusub ee hogaamin doona Dowladda ku meelgaarka Yemen. “Waxaan taageereynaa rabitaanka shacabka Yemen ee ah dowlad wax ku ool ah, dimuqraadi ah oo hufan.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto qaraar loo dhanyahay oo waara oo xal loogu helayo dhameynta colaadda Yemen. Waxaan ku boorrineynaa Golaha Hogaanka Madaxtinimada in ay u hoggaansamaan heshiiska ay dhex-dhexaadisay Qaramada Midoobay isla markaana ay la shaqeeyaan dadaallada wax ku oolka ah ee ay Qaramada Midoobay hogaamineyso ee lagu dhameynayo colaadda. Dadka reer Yemen waxay heystaan fursad ay go’aan uga gaari karaan mustaqbalka waddankooda, Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada in ay doortaan dariiqa nabadda iyo wadahadalka.”

XS
SM
MD
LG