Accessibility links

Breaking News

Maalinta Dhulka ee 2020


Faalladani waxay ka tarjameysaa Aragtida Dowladda Mareykanka

22-ki April waxay ku beegneyd sannad-guuradi 52-aad ee xuska Maalinta Dhulka iyo dhalashada dhaq-dhaqaaqa caalamiga ah ee deegaanka. Maalintaan ayaa ah fursad loogu dabal-dago dhulka si loo dhaqan-geliyo ficillo waara loona ilaaliyo fayo-qabka dhulka. Hal-kudhigga sannadkaan ayaa ahaa “Maalgelinta Meeraheenna.”

Asalka Maalinta Dhulka ayaa kasoo billaabatay caro sii kordheysay oo kasoo baxday dadweynaha, taasoo ku qotontay wax-ka-qabasho la’aanta siyaasiyiinta ee wasaqoowga hawada iyo xaalufinta ba’an ee deegaanka ee guud ahaan caalamka. Labo dhacdo ayaa si gaar ah u kiciyay dareenka shacabka isla markaana keenay in tallaabo la qaado.

Midda kowaad waxay ahayd saliid aad u badan oo ku daatay xeebaha California horraantii 1969. Kadib bishii June ee sanadkaas, webiga Cuyahoga [Kah-yah-HO-gah] ee Cleveland, Ohio, ayaa dab qabsaday, sababtoo ah wasakhda aadka u daran ee qashinka warshadaha. Ma ahayn dhacdadii ugu horreysay ee noocan oo kale ah, laakiin waxay ahayd tallaabadi ugu dambeeyay. Dabkii webiga Cuyahoga ee 1969 wuxuu noqday astaanta nabaad-guurka deegaanka ee dalka oo dhan.

Mid ka mid ah dadka ka carooday rabitaan la'aanta siyaasadeed ee ah in ay wax ka qabtaan arrintaan waxa ka mid ahaa Senator Mareykan ahaa oo lagu magacaabo Gaylord Nelson kaas oo u dhaq-dhaaqi jiray Deegaanka. Waxa uu rumaysnaa in aan waxba la qaban doonin ilaa dad ku filan ay sameeyaan bandhig dadweyne oo ay ku muujinayaan caradooda, sidaa darteed waxa uu abaabulay Maalinta Dhulka ee ugu horeysay 1970. Waxa uu yiri "Ujeeddadu waxay ahayd in la helo mudaaharaad heer qaran ah oo lagu muujiyo walaac arrinta deegaanka, kaasoo saameyn weyn lahaa doono isla markaana gilgilo saxaadda siyaasadda.

Waxay aheyd arrin lagu qammaaray, laakin waa ay shaqeysay. Dad lagu qiyaasay 20 milyan ayaa ka qeybgalay bannaanbaxyada oo ka dhacay guud ahaan Mareykanka."

Marki lasoo gaaray 1990, 200 milyan oo ruux oo ku noolaa ilaa 149 waddan oo dunida ah ayaa ka qeybqaatay bannaanbaxyo lagu muujiyay baahida loo qabo in wasakhda la qubo lana helo deegaan badiif ah.

Maanta, Maalinta Dhulka waa xuska ugu weyn oo cilmaani ah ee dunida laga sameeyo. Ku dhawaad hal bilyan oo qof oo ku nool in ka badan 190 waddan ayaa ku hawlan waxqabadyo loogu talagalay in lagu saameeyo sida dadku u arkaan ama ula dhaqmaan deegaankooda iyo u doodista isbeddellada siyaasadda qaranka iyo deegaanka. Sannadkan, waxaa xoogga la saarayaa wax ka qabashada iyo yaraynta sababaha keena isbeddelka cimilada iyada oo loo marayo maalgashiga dadweynaha iyo kuwa gaarka ah ee la xiriira hal-abuurka iyo tignoolajiyada cagaaran ee hawada iyo biyaha laga dhaliyo.

“In ka badan muddo hadda laga joogo 50 sanno, jiil ayaa u mudaaharaaday si ay uga hortagaan qalalaasaha deegaanku wajahayay. Tallaabo ayay qaadeen iyaga oo rajeynayay in kuwa awoodda ku fadhiyay ay dhageystaan,” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

"Maanta, jiil cusub ayaa ku dhawaaqaya qaylo-dhaan si ka badan sidii hore, iyaga oo dalbanaya in hoggaamiyeyaasha adduunku ay ficil sameeyaan. Danteenna oo dhan ayay ku jirtaa in aan u kacno loolankaas si dhaxalkeenna u ahaado mid wax-qabad leh.”

XS
SM
MD
LG