Accessibility links

Breaking News

U dabaal-degidda 50 sano oo ah xiriirka Mareykanka iyo Bangladesh


Bangladesh - US
Bangladesh - US

Faalladan waxay ka tarjumeysaa aragtida dowladda Mareykanka

Sannadkaan wuxuu ku asteensanyahay 50-sano guuradi kasoo wareegatay billowgi xiriirka Mareykanka iyo Bangladesh. Ku-xigeenka Maamulka Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka, Isobel Coleman ayaa sheegtay in tan iyo marki ay xorriyadda qaadatay 50 sano ka hor, ay Bangladesh sameysay horumar aan caadi aheyn. Waxay tiri “Maanta, Bangladesh wuxuu tusaale u yahay dalalka soo koraya ee dunida oo dhan iyo dalalka xiriirka istaraatiijiyadeed ee muhimka ah la leh Mareykanka.”

USAID waxaa ka go’an dhisidda dhaxalkeeda iyo raadkeeda howlaha horumarinta ee Bangladesh. Kontanki sano ee lasoo dhaafay in ka badan 7 bilynan oo dollar oo isugu jira gargaar horumarineed iyo mid bani’aadannimo ayay ku bixisay dalkaasi dhaca Koofurta Aasiya.

Kaalmadaan iyo kuwo kale ayaa ka caawiyay yareynta faqriga, sare u qaadista howliga koritaanka dhaqaalaha, hagaajinta cunto-yarida, hoos u dhigay carruurta umusha ku dhinto, koronto siiyay dadka reer baadiyaha, isla markaana kobciyay horumarinta iyo koritaanka iyada oo loo marayo tamarta nadiifta ah.

Bangladesh waxay goor hore fahantay maalgelinta haweenka in ay tahay horumarka maalgashiga waddanka. Inti u dhaxeysay 1990 ilaa 2020, awoodda shaqalaaha Bangladesh ee dumarka ah ayaa laba laabantay isla markaana sannaba kan ka danbeeyo shaqaalaha dumarka ah ayaa sii kordhaya.

USAID ayaa tababar isugu jira xirfadda hogaaminta iyo horumarinta siisay tobnaan kun oo dumar ah kuwaas oo ka shaqeeya warshadaha dharka diyaarka ah. USAID waxay taageereysaa fursadaha waaweyn ee dumarkaasi si ay xirfaddooda shaqo ee qolka warshadda uga tallaabaan oo ay ugu gudbaan qeybaha sare maamulka iyo hoggaaminta.

Si looga caawiyo Bangladesh la tacaalista cudurka COVID-19, ayay dowladda Mareykanka siisay ku dhawaad $134 milyan oo dollar oo dhaqaala ah. “Cudurkaan wali waa uu jiraa, shaqadeennuna aad bee yuga fogtahay in ay dhamaatay, inti lagu guda jiray sannadki hore, USAID waxay ka taageertay gudbinta in ka badan 61 milyan oo ah tallaal ay ku yaboohday Dowladda Mareykanka, taaas oo lagu caawiyay dowladda Bangladesh, waxay ku guulesatay Bangladesh in ay si buuxda u tallaasho in ka badan 95 milyan oo ruux,” ayay tiri Coleman.

“Xiriirkeenna bah-wadaagnimo ee sannadaha soo jiray eek u saleysan horumarinta caafimaadka guud ayaa ah mid si gaar ah cajiib u ah, waxaan xasuusannaa in Bangladesh ay saddex maalood laba meel ay yareysay dhimashada hooyada iyo dhallaanka 50-ki sano ee lasoo dhaafay” ayay tiri Ms. Coleman.

Iyadoo ay ugu wacantahay koboca dhaqaale ee baahsan ee uu Bangladesh ku tallaabsaday sannadihi dhawaa, ayuu dalkani hadda hormuud iyo tusaale u noqday dalalka soo koraya, wuxuuna hadda ku socdaa inuu noqdo dalalka uu dhakhligoodu heer dhexaadka yahay marka la gaaro sannadka 2031.

Bangladeshis waxay caddeysay in ay baraare gaari karaan marka ay taageero ka helaan hoggaankooda. USAID waxay rajeyneysaa in ay sii waddo dhisidda aas-aaskaan adag tobnaanka sano ee soo socda.

XS
SM
MD
LG