Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka
Abaar taariikhi ah ayaa khatar gelineysa nolosha malaayiin qof oo ku nool Geeska Africa. Si dadkaasi loo gaarsiiyo mucaawino deg deg ah ayay Dowladda Mareykanka iyada oo u sii mareysa Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka ee USAID bixineysa kaalmo bani’aadannimo oo gaareysa 105 milyan oo dollar.
Kani waa xilligii afraad oo isku xiga oo uusan roobku da’in, arrintaasi oo kordhisay suurtagalnimada in boqollaal kun oo qof oo ku nool Geeska Africa ay galaan xaalad macluul ah. Sadaasha ayaa muujineysa in xilli roobaadka shanaad ee soo socda ay dhici karto in qalleelku uu sii socdo, taasoo xaaladda uga sii dari karto nolosha qoysaska ku tiirsan beeraha iyo xoolo-dhqasahda.
Sidaasi daraadeed ayay ilaa 16 milyan oo qof ay si deg deg ah ugu baahanyihiin gargaar bani’aadannimo. Tirada ayaa la filayaa in ay sii siyaaddo oo ay gaarto heer aanan horay loo arkin. Meesha lagu gaaro bisha September waxaa la qiyaasayaa in tirada dadka gargaarka u baahan ay kor u dhaafi doonaan 20 milyan.
Taageerada dhaqaale ee dheeraadka ah ayaa u suuragelineysa hey’adda USAID iyo bah-wadaagteeda in ay bixiyaan cunto, agabyo caafimaad iyo adeegyada nafaqeysan iyo biyo nadiif ah. Lacagtan ayaa sidoo kale taageereysa goobo nabad ah oo ay helaan dumarka iyo gabdhaha barakaca ah.
Dagaalka axmaqnimada ah ee aanan loo meel-dayin ee uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa sii xumeeyay dhibaatada cunto-yari ee Geeska Africa, kaddib marki ay aad u yaraadeen cuntada, shidaalka iyo agabyada beeraha lagu bacrimiyo.
Sida gobollada kale ee Bariga Dhexe iyo Africa, Geeska Africa ayaanan heli karin qamadiga uga iman jiray Ukraine Ukraine sababo la xiriira duullaanka uu ku hayo Ruushka, arrintaas oo khatar gelineysa nolosha malaayiin qof haddii aysan helin cunto ku filan. Ku dhawaad 70 boqolkiiba badarka laga quuto Soomaaliya iyo 10 boqolkiiba Kenya ayaa ka iman jiray Ukraine.
Dowladda Mareykanka waa deeq-bixiyaha ugu saqiysan dhinaca gargaarka bani’aadannimo ee Geeska Africa. Sannadkan 2022-ka oo kaliyah waxay ku bixisay lacag ka badan $507 million guud ahaan mandiqadda Geeska, hase yeeshee wali waxaa loo baahanyahay kharah dheeraad deg deg ah.
Marka loo eego halista abaarta iyo xajmiga baahida bani’aadannimo ee taagan, ayay dowladda Mareykanka ku boorrineysa deeqbixiyaasha in ay kordhiyaan kaalmada bani’aadannimo si looga hortago macluul isla markaana loo badbaadiyo nolosha malaayin qof.
Dowladda Mareykanka haligeed ma dabooli karto baahida ka taagan Geeska Africa. Waa xilligii ay deeq-bixiyaasha ay isu iman lahaayeen si looga hortago dhibaado hor leh si loo badbaadiyo nolol.