Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xayiraado visa oo dheeraad ah saaray kuwa wax u dhimaya dimoqraadiyadda Nicaragua


Cuba US Visas
Cuba US Visas

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Mareykanka ayaa qaaday tillaabooyin uu xayiraad dhanka dal-ku-galka ah ku saaray 93 qof oo dheeri ah oo la rumeysan yahay in ay wiiqeen dimuqraadiyadda dalka Nicaragua tan iyo doorashadii sharci-darrada aheyd ee Daniel Ortega taasi oo la qabtay bishii November ee sanadkii 2021-kii.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Antony Blinken ayaa xayiraadahan ku shaaciyay qoraal uu soo saaray oo uu ku xusay in dadka hadda lagu daray kuwa aan loo oggoleyn in ay soo galaan Mareykanka ay ka mid yihiin garsoorayaal, dacwad oogayaal, xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka, iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha Nicaragua Ortega iyo xaaskiisa oo sidoo kale ah madaxweyne ku-xigeen, Rosario Murillo waxa ay si weyn u soo koobeen awoodda kooxaha mucaaradka siyaasadeed iyo sidoo kale bulshada rayidka ah, si la mid ah cadaadisyadii hore ee fashilmay. Ilaa 180 maxaabiis siyaasadeed ah ayaa hadda u xiran taliska.

“Maxbuus siyaasadeed ayaa dhintay, kuwa kalena waxa ay ku sii jiraan xabsi,” ayuu yiri Xoghaye Blinken. “Maxaabiista siyaasadeed ee lagu hayo xabsi guriga waxa ay si isku mid ah ula kulmaan xadgudubyo mana awoodaan in ay iskood u doortaan qof daryeel u fidiya amaba ay qaabilaan dadka soo booqanaya.”

Ma ahan kaliya in rajiimku uu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah, ee waxa uu sidoo kale bartilmaameedsadaa ururrada aan dowliga aheyn.

Xoghaye Blinken ayaa sheegay in “xubnaha Golaha Shacabka iyo saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay awood u siiyeen rajiimka Ortega-Murillo in uu sii adkeeyo xakamayntiisa ka dhanka ah muwaadiniinta Nicaragua iyo hay'adaha dowladda iyadoo la adeegsanayo sharciyo caburin ah oo sharciyadda looga xayuubiyay in ka badan 400 oo ururro aan dowli aheyn iyo daraasiin jaamacadood.”

Hay’adahaasi waxaa ka mid ah faraca dalka Nicaragua ee Operation Smile, oo ah hay’ad qalliin lacag la’aan u fidisa caruurta dhasha iyaga oo faruuran, iyo sidoo kale Akademiyada Nicaraguan Academy of Letters; iyo dhowr urur oo iyana u dooda xuquuqda haweenka.

Warbixin ay dhowaan soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo ku saabsan xaaladda xorriyadaha diimaha ee Nicaragua ayaa sidoo kale xustay in mid ka mid ah kuwa wax indha indheeya uu ugu yeeray “dagaal furan” cadaadiska rajiimka ee ka dhanka ah kaniisada Katooliga, oo “dhibaateyn nidaamsan lagu hayo hoggaamiyeyaasha diinta iyo dadka cibaadeysanaya.”

Sanadkii tagay, Mareykanka ayaa cunnaqabateyno dhowr ah iyo xayiraado dhanka fiisaha ah ku soo rogay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Nicaragua iyo qaraabadooda sababo la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ay dowladdu waddo.

Isaga oo ku dhawaaqaya xayiraadihii ugu dambeeyay ee dhinaca fiisaha ah ayuu Xoghaye Blinken yiri, “hay’adaha musuqa ku dhisan ee rajiimka u qaabilsan amniga iyo garsoorka waxa ay u xireen oo xukunno ugu rideen hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo difaacayaasha xuquuqul insaanka sababo la xiriira in ay runta sheegeen, difaaceen wariyeyaasha dhiirran, iyo bulshadooda iyaga oo u maraya ururrada aan dowliga aheyn iyo in ay si cad ugu ololeeyeen in la helo nidaam ka duwan kan caburinta ku saleysan ee rajiimka, taasi oo ah xuquuq ay tahay in uu u oggolaado dastuurka Nicaragua ama nidaam kasta oo siyaasadeed oo dimuqraadi ah.”

“Mareykanka” ayuu Xoghaye Blinken ku dhawaaqay “waxa uu ku celinayaa baaqiisa ah in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo kuwa xaq-darrada u xiran iyo in dib loo soo celiyo dimuqraadiyadda iyo sharciga dalka Nicaragua.”

XS
SM
MD
LG