Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo maal-gelinaya dadaallada miinooyinka looga saarayo dalalka Koonfurta Caucasus


Tani waa faallo ka tarjumeeysa aragtida dawlada Mareykanka.

Mareykanka ayaa wali si weyn uga walaacsan wararkii dhawaan ku saabsan weeraro ka dhacay xadka Armenia iyo Azerbaijan. "Sida aan muddo dheer caddaynay," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Blinken, "ma jiri karo xal militari oo lagu demiyo iskahorimaadka.

Markii lagu dhawaaqay xabbad-joojin 15-kii Sebtembar, wuxuu yidhi, “Waxaan soo dhawaynaynaa joojinta colaadda u dhaxeeysa Azerbaijan iyo Armenia, waxaanan sii wadi doonnaa in aan la shaqayno dhinacyada si loo raadiyo xal. Mareykanka waxaa ka go'an inuu horumariyo nabad iyo barwaaqo mustaqbalka gobolka xuduuda ala leh galbeedka iyo bariga Yurub.

Dadaal lagu horumarinayo nabadda iyo iskaashiga gobolka ee Koonfurta Caucasus, Mareykanka ayaa dhowaan ku dhawaaqay $2,000,000 oo loogu talagalay hawlgalada miino-saarida bini'aadantinimo ee meelaha uu saameeyay dagaalkii dayrta ee 2020 ee u dhexeeya Armenia iyo Asarbayjan.

Hubka aan qarxin ee guud ahaan aagga colaaduhu ka socdaan ayaa weli sii wada dilka iyo naafaynta rayidka, xannibaadda horumarinta dhaqaalaha, iyo caqabad ku ah inay si nabad ah u soo laabtaan bulshooyinka barakacay.

Wareegii ugu dambeeyay ee dagaalka ba,an ee u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa bilowday Sebtembar 2020 wuxuuna socday lix toddobaad.

Laakiin colaadda labadan dal ayaa dib u soo laabatay muddo tobanaan sano ah waxayna xarunteedu tahay gobolka ay ku badan yihiin Armenian ee Nagorno-Karabakh iyo dhulalka ku xeeran ee caalamku aqoonsan yahay inay qayb ka yahay Azerbaijan.

Dagaalkii 2020 wuxuu sababay in Azerbaijan ay gacanta yeelato gacan ku hatnata dhul badan oo ay lumiyeen Armenian iyo ciidamada Nagorno Karabakh dagaaladii hore ee 1990-meeyadii.

Dagaalkii 2020 wuxuu horseeday in ka badan 6,000 oo ciidan in ay jy dhintaan iyo in ka badan 150 dhimasho rayid ah wuxuuna barakiciyay tobanaan kun oo qof, inkastoo qaar badan ay soo laabteen.

Dowladda Azerbaijan ayaa sii wada sidii ay dib u dejin ugu sameyn lahayd boqolaal kun oo qof oo ka barakacay aagagga colaadaha ee 1990 naadkii.

Dagaalkii 2020 ma xallin xaaladda siyaasadeed ee lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, sida lagu sheegay warbixintii Adeegga Cilmi-baarista ee Koongareeska ee Janaayo 2021, waxayna xoojisay muddo dheer qaabka xallinta khilaafaadka caalamiga ah ee soo baxay iskahorimaadkii 1990-meeyadii ka dib.

Waxaa la rajeynayaa in lacagaha dheeriga ah ee miino baarista, marka lagu daro $500,000 ee asalka ah ee lagu dhawaaqay Noofambar 2021, ay taageeri doonto awoodda farsamo ee hay'adaha miino baarista si ay u nadiifiyaan miinooyinka dilaaga ah iyo walxaha aan qarxin si dadku ay dib ugu dhistaan noloshooda si ammaan ah. Colaadaha ka soo cusboonaaday Koonfurta Caucasus ayaa waxaas oo dhan halis galiyay.

Maraykanku waa taageeraha dhaqaale ee ugu weyn adduunka ee burburinta hubka caadiga ah, isaga oo ku maalgeliyay in ka badan $4.7 billion in ka badan 100 waddan tan iyo 1993 si loo horumariyo nabadda iyo ammaanka caalamiga ah isaga oo wax ka qabta khataraha miinooyinka qarxa iyo kuwaan qarxin ay u geystaan dadka rayidka ah.

XS
SM
MD
LG