Accessibility links

Breaking News

Mareykanka waxaa ka go'an taageerista raadinta dimoqraadiyadda ee dadka Burma


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka waxay wali ku taagantahay ballan-qaadkeeda ah in ay shacabka Barma ka taageerto yoolkooda ah sidii ay ku gaari lahaayeen Burma nabad iyo barwaaqo ah. Laba sano ka hor, 27 milyan oo ruux ayaa u dareeray goobaha codbixinta doorashadii guud, taasoo muujisay in dalkaasi uu tallaabo horay ugu qaaday geeddiga dimoqraadiyadda. Laakin, rabitaankii shacabka waxaa diiday millatariga Barma kaasoo xakunka afganbi ku qabsaday bishii Febraayo ee sannadki 2021-ki. Taasi waxay xagal-daacisay 10 sano oo horumar dimoqraaddi ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtay doorashadii Burma, ayuu xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ku xusay in wixii xilligaasi ka dambeeyay ay ciidamadu wadeen olole arxan darro ah oo ka dhan ah shacabka Barma, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 2,400 oo qof, ayna xireen 16,000 oo ay ku jiraan madaxweyne Win Myint iyo hogaamiye Aung. San Suu Kyi.

Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa taageerada dhaqdhaqaaqa dimoqraadiyadda iyo dhammaan kuwa ka shaqaynaya in ay Burma ka dhisaan mustaqbal loo dhan yahay oo dimoqraadi ah. Xoghaye Blinken waxa uu sheegay in Maraykanku uu la wadaago hogaamiyaasha dhaqdhaqaaqa ee rumeysan in doorashada qorshaysan ee taliska milatariga ee loo qorsheeyay Ogosto 2023 “aanay suurtogal ahayn in ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah xaaladda hadda jirta aawadeed. Waxayna dib u dhigi doontaa in dalka uu u gudbo xasillooni iyo dimoqraadiyad.

Wuxuu ballan-qaaday in Mareykanka oo kaashanaya xulufadiisa iyo bah-wadaagtiisa, uu sii wadi doono inuu kusoo rogaan cawaaqib xun taliska kulana xisaabtamaan gabood-fallada.

Ilaa iyo hadda, Mareykanka ayaa calaamadeeyay 74 shakhsi iyo 29 hey’adooda oo xiriir la leh milltariga ama taageeray afganbiga rajiimka, oo ay ku jiraan rabshadihi naxdinta lahaa ee uu milatariga ku kacay.
Dhawaan, 8-dii November, Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay kuwa ka howlgala waaxyaha difaaca ee dhaqaalaha Burma iyo bixinta sahayda diyaaradaha iyo agabka kale ee militariga Burma. Iyadoo la isku dubariday si looga fogaado cawaaqib xumada ka dhalan karta guud ahaan ee ku iman karta shacabka, falalkani waxa uu bartilmaameedsaday xarumaha muhiimka ah iyo ilaha dakhliga ee taageera hogaamiyayaasha ciidamada, ganacsatada hubka, iyo ganacsatada dabadhilifyada ah ee xiriirka la leh nidaamka.

Tani waxay la socotaa wareeggii shanaad ee shirka Midowga Yurub ee cunaqabataynta Burma ee 8-deedii November, kaas oo ay qaadatay "iyaga oo ka jawaabaya sii socoshada rabshadaha iyo xadgudubyada xun ee xuquuqda bini'aadamka ka dib markii ay ciidamadu la wareegeen laba sano ka hor."

Tani waxay la socotaa wareeggii shanaad ee shirkii Midowga Yurub ee cunaqabataynta Burma ee sideeddii Noofambar, kaas oo ay qaadatay "iyaga oo ka jawaabaya sii socoshada rabshadaha iyo xadgudubyada xun ee xuquuqda bini'aadamka ka dib markii ay ciidamadu la wareegeen Barma laba sano ka hor."

Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu si dhow ula shaqeeyo xulafada iyo saaxiibada, oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriiska, Kanada, iyo Midowga Yurub, taas oo fariin adag u diraysa taliska iyo taageerayaashiisa in beesha caalamku ay si wadajir ah uga soo horjeedaan ficilada gurracan ee millatariga.

XS
SM
MD
LG