Accessibility links

Breaking News

Xaaladda bani'aadannimo ee Syria waa ay sii xumaaneysa


Tani waa Faallo ka turjumeysa aragtida dowlada Mareykanka

Kadib saddex sano oo xasillooni ah oo ka jirtay Suuriya, ayaa sare u kaca gaabiska ah ee rabshadaha sii kordhaya waxay halis gelinayaan in ay dib usoo kiciyaan hanaankii lagu xaliyey inta badan dagaalladii sokeeye ee kow iyo tobankii sano ka socdey dalkaas.

Sida laga soo xigtay ku-xigeenka xoghayaha guud ee arrimaha bini'aadantinimada iyo isku duwaha gargaarka degdega ah ee QM Martin Griffiths, duqeymo, xaga circa iyo dhulka ah iyo iska horimaadyo ka dhacay agagaarka Idlib horraantii Nofembar ayaa burburiyay guryaha boqolaal qoys oo barakacayaal ah oo gabaad ka dhiganaya saddex xero oo ay taageeraan hay'adaha samafalka.

"Waxaan ku celinaynaa baaqayadeenii ku aaddan joojinta rabshadaha waqooyi-galbeed ee Suuriya," ayay tiri wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield.

Wakiilka Mareykanka ee QM ayaa tiri "Dhacdooyinka teel-teelka ah ee ilaa hadda u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda waxay halis ugu jiraan inay u gudbaan dagaal baahsan. Waxaa waajib ku ah dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan oo ay hirgeliyaan xabbad-joojin guud oo dalka oo dhan ah, taasoo ka ilaalinaysa dadka rayidka ah rabshadaha. Mareykanka wuxuu ku baaqayaa in si deg deg ah loo qaboojiyo xiisadda ka taagan waqooyiga Suuriya.”

Runtii, dhibaatada dadka rayidka ah ee Suuriya ayaa sii kordheysa oo quus mareysa, ayuu yiri ku xigeenka xoghayaha guud Griffiths. Tan iyo markii uu dagaalka Suuriya billowday bishii Maarso 2011, 80 boqolkiiba dadkeeda ayaa ku tiirsanaayeen gargaarka bani’aadanimada. Sannadkan, tiradu waa ay kordhi doontaa 14.6 milyan oo Suuriyaan ah ayaa u baahan doona gargaar bini'aadantinimo. Sannadka soo socda, tiradan ayaa la filayaa inay kor u kacdo in ka badan 15 milyan.

Tani waa “Dhibaatooyin bini'aadantinimo oo aan waligeed heerkan gaarin. Dhibaato bini'aadantinimo oo ay uga sii dartay rabshadaha sii kordhaya ee dalka oo dhan gaarey, cudurka daacuunka ayaa sii kordhaya, iyo bilawga jiilaalka," ayey tiri danjire Thomas-Greenfield.

Danjire Thomas-Greenfield ayaa tiri “Maraykanku waa ay naga go’an yahay in aanu maalgalino hawlaha soo kabashada ee xiliga hore, oo ay ku jirto wax ku biirinta Sanduuqa UN. Intii u dhaxaysay bilihii Jannaayo iyo Sebtembar ee sanadkan, QM waxa ay ka shaqeysay in ay u qorsheyso in ka badan $500 milyan oo la lagu bixinayo 374 mashruuc oo soo kabashada xiliga hore ah. Mashruucyadani waxay ka jiraan dhammaan 14ka gobol ee Suuriya - Ma jirto wax dafiri kara in tani ay ka dhigan tahay horumarka dhabta ah ee soo kabashada xiliga hore. In ka badan 2.4 milyan oo Suuriyaan ah ayaa si toos ah uga faa'iideystey shaqadan."

Gargaarka bini'aadantinimo ee ka gudba xuduudaha ayaa ah farqiga u dhexeeya nolosha iyo dhimashada, ayuu yiri danjire Thomas Greenfield. "Siisii wadkeedu waa lagama maarmaan. ... Ma ogolaan karno isku dayo lagu sameeyo buuq ku saabsan arrimaha aan la xiriirin gaarsiinta gargaarka bini'aadantinimo si ay mugdiga u geliso hufnaanta doorashadan."

XS
SM
MD
LG