Accessibility links

Breaking News

Guulihii diblomaasiyadeed ee 2022


Antony Blinken
Antony Blinken

Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dawlada Maraykanka.

Shir jaraaid oo sanadka dhamaadkiisii uu qabtay xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Antony Blinken ayaa uu hoosta kaga xariiqay afar ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsanaa guulihii diblomaasiyada ee sanadkii 2022.

Ta koowaad ayaa uu ku xusay in Maraykanku uu dunida isku keenay si uu u xaqiijiyo in dagaalka Ruush-ku uu ku qaaday Ukraine uu yahay fashil istaraatiji”

“Tan iyo bishii February 24-keedii waxa aanu isku keenay xulafo door ah iyo kuwa aanu iskaashiga leenahay si aanu u kordhino amaanka, dhaqaalaha iyo tageerada baniiaadminimo ee dadka reer Ukraine xili ay u taagan yihiin dimuqraadiyada dalkooda, haybadooda iyo madaxbanaanidooda, taageeradayada wadajirka ah hada waxa ku jira $1.85 billion dheeraad ah oo ah kaalmo milatari, taaso oo awood u siisay dagaalyahanada reer Ukraine inay waajahaan kuwa kasoo horjeeda, xoreeyaan dadkooda, dibna ay u qabsadaan dhul badan.”

Ta labaad “Waxa aanu degdejinay kulamada istaraatijiyadeed ee aanu la leenahay xulafada iyo kuwa aanu iskaashiga leenahay ee shacabka jamhuuriyada shiinaha” ayaa uu idhi xoghaye Blinken.

“Hadii aynu kulaabano bishii May, waxa aan dejiyay istaraatijiyadeenii si aynu u gaadhno caqabada ka timi PRC: in la maalgaliyo waxyaabaha salka u ah gudaheena, isku keenida xulafadeena iyo kuwa aynu iskaashiga leenahay, inaynu la hirdano Shiinaha si aynu u difaaci karno danaheena islamarkaana aynu u xaqiijin karno hiigsigeena mustaqbalka”

Sidoo kale, Maraykanka iyo xulafadiisu waxa ay wali ku midaysan yihiin balantoodii si ay u sugaan nabada iyo xasiloonida guud ahaanba gacanka Taiwan sidoo kalena loo sii wado in kor loo qaado dareenka la qabo islamarkaana loo qaado ficil wadajir ah oo lagaga falcelinayo tacadiyada xuquuqda aadmaha ee PRC ay ka wadaan Xinjiang iyo Tibet iyo burburinta xorriyada hadalka iyo saxaafada ee Hong Kong.

Ta sadexaad, Maraykanku waxa uu wacyigaliyay xulafadu si ay u keenaan xalka sugnaanta cuntada, caafimaadka, tamarta iyo cimilada iyo waliba koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.

Ugu danbayn, “Waxa aanu adeegsanay awooda diblomaasiyada Maraykanka si aanu u sii wadno nabada, uga hortagno, hoosna ugu dhidhno khilaafka” ayaa uu idhi xognahye Blinken.

“Anigoo la jira wasiirada dhigayga ah ee Israaiil, Marooko, Baxrayn, Isutaga Imaaraat-ka carabta iyo Masar, waxa aan ka qayb qaatay kulankii taariikhiga ahaa ee Negev si loo kordhiyo isdhexgalka iyo xasilinta bariga dhexe, waxa aanu ka shaqaynay heshiis taariikhi ah oo u dhexeeya Israaiil iyo Lubnaan si ay u xaliyaan khilaafka dhinaca bada ee mudada dheer soo taagnaa.

Waxa aanu taageernay wada xaajoodyo ay Afrikaanku gadhwadeen ka ahaayeen oo horseeday joojinta dagaalkii u dhaxeeyey Itoobiya iyo xoogaga Tigray, waxa aanu gacan ka gaysanay keenista hanaan heshiis lagu gaadho dalka Sudan islamarkaana badhitaara jidka dimuqraadiyad ah uu rayidku hogaamiyo, waxa kale oo aanu sugnay islamarkaana aanu markii danbe balaadhinay xabad joojintii dagaalka Yemen.”

Iyadoo la eegayo sanadka 2023-ka ayuu sheegay xoghaye Blinken in Maraykanka iyo xulafadiisu ay sii wadi doonaan inay ka wada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa duni xor ah, furan, nabad ah islamarkaana barwaaqo ah.

XS
SM
MD
LG