Accessibility links

Breaking News

Sanadkii 2022 wuxuu ahaa mid muhiim u ah deegaanka


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Marka laga soo tago, waxyeelada qaboojinta Caalamka ee saamaynta cimilada hawada qaboow ee La Niña, ee Badweynta Baasifigga, sanadka 2022 waxuu ku asteysanyahay mowjado kulayl daran oo ka dhacay adduunka intiisa badan. Horraantii gu'gii, Koonfurta Aasiya, waxaa la soo deristay heerkul heerkiisu sareeyo. Horraantii xagaagii, Yurub waxa ku dhuftay kulaylka heerkulkiisa daranyahay, si la mid ah Shiinaha, oo diiwaangeliyay heerkulka ugu sarreeya ee abid la arko. Waddamada ayaa sidoo kale la kulmay roobab aad u daran, sida Pakistan oo roobabkii ugu badnaa ay keeneen daadad waxyeello leh.

Waxaa laga yaabaa in taasi tahay sababta bilihii dambe ee sanadka loo arkay kor u kaca dhaqdhaqaaqa deegaanka ee caalamiga ah. "Waxaan rumaysanahay inaan sanadkan ku xasuusan doono inuu yahay barta markii aan nafteena u huri lahayn mustaqbal waara," ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha Gobolka ee Baddaha iyo Arimaha Deegaanka iyo Sayniska Caalamiga Monica Medina oo ku jirta barta blog.

In la wajaho dhibaatada cimiladu waa mudnaanta koowaad ee maamulka Biden-Harris.

Dadaal lagu ilaalinayo noolaha kala duwan ee caalamka, Mareykanka waxaa ka go'an hadafka caalamiga ah ee 30×30, oo ah ballan qaad ah in uu ilaalinayo ugu yaraan 30 boqolkiiba dhulka iyo biyaha caalamka marka la gaaro 2030ka.

Bishii Abriil, Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Palau waxay si wadajir ah u marti-geliyeen Shirweynihii 7aad ee Baddeena, kaas oo ay ka soo baxeen 410 ballanqaad oo ka yimid hoggaamiyeyaasha labada qaybood ee dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ku saabsan arrimo ay ka mid yihiin ka hortagista kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo wasakhowga caagga ah; ballaarinta ilaalinta badda iyo Yoolka dhoofinta eber ah; iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah.

Guriga, Maraykanku wuxuu qaaday tallaabadii muhiimka ahayd ee lagu ansixiyay Wax-ka-beddelka Kigali ee Hab-maamuuska Montreal ee Walxaha baabi'iya lakabka Ozone kaas oo gacan ka geysan doona yaraynta kulaylka caalamiga ah.

Sidoo kale, Maraykanku waxuu meel mariyey istaraatiijiyad caalami ah oo lagu hubinayo biyo nadiif ah oo loogu talagalay dadka adduunka oo dhan waxayna horseedeen dadaallada lagu doonayo in lagu meel mariyo qaraar taariikhi ah oo UNEA 5.2 ah si loo joojiyo wasakhowga caagga ah.

Si la mid ah Maraykanku uu sameeyay horumar taariikhi ah isaga oo meel marinaya Xeerka hoos u dhiga Sicir-bararka, kaas oo ka dhigan maal-gelintii ugu balaareynd ee cimilo ee taariikhda Maraykanka.

"Sida u uku bilowdey sanadkan, waxaan is aragnay annaga oo taagan meel isgoys ah," ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha Medina. " Waddo horteena waxay ahayd mid la mid ah. Wasaaq badan iyo kala duwanaanshiyaha noolaha oo yaraada. Kulayl badan iyo ammaanka caalamka oo yaraada. Waddada kale waxay ahayd mustaqbal waara iyo adduun ka wanaagsan carruurtayada iyo carruurtayada. Sida uu sanadkan dhammaanayo, waxaan dhammaanteen dhihi karnaa waxaan dooranay waddadaas ka wanaagsan ee loo maro adduun aan ku noolnahay si waafaqsan dabeecadda."

XS
SM
MD
LG