Accessibility links

Breaking News

Iskaashiga la-dagaalanka argagixisada


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Afartan sano ayaa laga joogaa, tan iyo markii uu Maraykanku abuuray barnaamijka taageerada ee tababarada ka hortagga argagixisada (ATA).

Julie Cabus oo ah ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka iyo weliba kaaliyaha agaasimaha tababarada ee waaxda adeega amniga diblomaasiyadda, ayaa ka sheegtay shir saxaafadeed, in tan iyo markii la abuuray, in ATA ay tababaro la xidhiidha ka hortagga argagixisada ay siiyeen in ka badan 160,000 oo arday oo ka kala socda illaa 150 dal oo caalamka oo dhan ah.

“Sannadkii hore oo keliya, ATA waxay tababar u fidisay 5000 oo illaa 4,700 oo arday ay ka kala yimaadeen illaa 47 dal oo kala duwan. Tan iyo markii la aasaasay, ATA waxay si dhab ah u matashay iskaashiga dhab ah oo ka dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyada oo diiradda saareysa caqabadaha caalamiga ah ee la xiriira in wadamada laga caawiyo dhinaca la dagaalanka argagixisada, iyo in laga hortagoba."

Barnaamijka ATA waa mas'uuliyad wadajir ah oo ay u xilsaaran tahay Waaxda La-dagaalanka Argagixisada iyo Adeegga Amniga Diblomaasiga ee wasaaradda arrimaha debedda Maraykanka.

Gregory LoGerfo oo ah, Ku Xigeenka Isuduwaha Arrimaha Gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee Xafiiska La-dagaalanka Argagixisada, ayaa carrabka ku adkeeyay xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Maraykanka iyo dalalka uu ka jiro barnaamijka ATA.

”Waxaan dhegaysanaa, waxa ay doonayaan dalalka uu iskaashigu nagala dhexeeyo, waxyaabaha ay sida gaarka ah uga walaacsan yihiin, sababtoo ah waxay la kulmaan xaalado gaar u ah, oo ka jira dalalkooda iyo gobolkooda … Waxaan ku dhiseynaa iskaashi si siman ah, sababtoo ah waxaan leenahay dano wadaag ah oo ku wajahan caqabadaha amniga rayidka."

Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha debedda Cabus ayaa xustay in ka-hortagga argagixisadu inay u baahan tahay jidh ahaan iyo maskax ahaanba, iyada oo tababarayaasha ATA ay “waxbadan ka filayaan” ardaydooda.

“Waxay abuuraan jawi nabdoon, si ay u sahamiyaan anshaxa tababarka, xeelada, tababaha iyo go’aan qaadashada tababarka, iyo weliba sidoo kale in la wadaago waayo aragnimo ku salaysan dhacdooyin xaqiiqo ah oo lala yeesho laamaha ammaanka ee dalalka saaxiibka ah, ee dunida oo dhan.”

Dhanka ardayda, ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha debedda ayaa tiri “inta badan xaaladaha ama dalalku … waxaa naloo siiyey inaan la shaqayno cidda ugu wanaagsan. Kuwaas oo ah, kuwo ay shaqadu ka go’an tahay, ahna shaqaale dawladeed oo u heellan inay dalkooda u adeegaan, dadkooda u adeegan, ay dhisaan kalsoonida bulshadooda, isla markaana arki kara baahida guud ee loo qabo ka hortagga argagixisada, si looga wada faa’iidaysto.”

XS
SM
MD
LG