Tani waa faallo ka tarjumesa aragtida dowladda Mareykanka
Dadka ku nool dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya ayaa la saadaalinayaa inay laba jibaarmi doonaan sanadka 2050 sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Taasi waxay keenaysaa caqabado degdeg ah oo dhinaca sugnaanta cuntada ah.
Horaantii bishii Maajo, Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Ergeyga Gaarka ah ee Sugnaanta Cunnada Adduunka ayaa soo qabanqaabiyey dood-wadaag intii lagu jiray shir madaxeedkii (AIM for Climate Summit), si looga doodo Hiigsiga Dalagyada iyo hannaanka loo yaqaan VACS ee islaqbsiga carrada iyo miraha.
Hindisaha, oo ay iska kaashadeen dowladda Mareykanka, Midowga Afrika iyo Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ayaa la doonaya in la waafajiyo hababka beeraha - laga bilaabo Afrika - caqabadaha la filayo ee isbedelka cimilada.
VACS waxay diiradda saartaa horumarinta abuur u adkaysta cimilada iyo hagaajinta caafimaadka ciidda si kor loogu qaado wax soo saarka beeraha.
“Maanta,… beeruhu waxa ay wajahayaan caqabado is biirsaday oo taariikh ahaan aan hore loo arag,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Sugnaanta Cunnada Adduunka Cary Fowler. "Dhisidda haqab-beelka cuntada runtii waxay ku xiran tahay wax ka qabashada dhammaan caqabadahan."
Ka soo qaybgalayaasha doodaha waxay ahaayeen qaar ka mid ah khubarada ugu horreeya ee dhinacyo badan oo saameeya wax soo saarka beeraha, oo ay ku jiraan Professor Lindiwe Majele Sibanda, Guddoomiyaha Kooxda Wadatashiga ee Cilmi-baarista Beeraha Caalamiga ah ama CGIAR, Guddoomiye Josefa Sacko oo ka socota Guddiga Midowga Afrika ee Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Dhaqaalaha Buluugga ah, iyo Deegaanka Joogta ah; Dr. Cynthia Rosenzweig oo ka socota Mashruuca Isbarbardhigga iyo Horumarinta ee Model Beeraha, ama AgMIP iyo Dugsiga Cimilada Columbia; Lisa Safarian, Madaxweynaha iyo Madaxa Hawlgelinta ee shirkadda tignoolajiyada beeraha ee Pivot Bio; iyo Dr. Robert Reiter, Madaxa Cilmi-baarista iyo Horumarinta Sayniska Beeraha ee Bayer.
Badbaadada cuntadu waxay ku xidhan tahay wax ka qabashada dhinacyada aasaasiga ah ee lahaanshaha carro ku fican bacriminta iyo dalagyada la jaanqaadaya isbedelka cimilada, ayuu xusay Dr. Fowler. “Haddana waxa aan ka helno adduunka oo dhan, iyo hubaal ahaan Afrika, waa carro gabaabsi ah… Dalagyadayadu si fiican uguma diyaar garoobin isbeddelka cimilada. Hay’addeennu si fiican uguma diyaarsana.”
"Waxaan iskaashi la sameynay Midowga Afrika iyo Hay'adda Cuntada iyo Beeraha, laakiin sidoo kale qaar kale oo badan… si aan isku dayno inaan wax uga qabanno arrintan gaarka ah," ayuu yiri Dr. Fowler.
"Pivot Bio waxay raadinaysaa hab soo jiidasho leh si ay si toos ah u siiso nitrogen-dhexdhexaadka cimilada halka looga baahan yahay, xididdada dalagyadayada. Bayer waxay leedahay falanqeyn aad u culus oo ku saabsan waxa innagu jira waxayna ku hawlan tahay hawlo cilmiyeed iyo samafal oo ballaaran. Cynthia [Rosenzweig] waxay nagala shaqaynaysaa NASA iyo Dugsiga Cimilada Columbia qaabaynta cimilada cusub si aan si fiican u fahanno sida muhiimka ah, nafaqada leh.
Dalagyada Afrika waxay ku noolaan doonaan cimilada hadda iyo mustaqbalka ee Afrika."
"Heerka ugu aasaasiga ah, caqabadahaas sugnaanta cunnada waxay runtii ku xiran yihiin inaan helno carro bacrin ah waxayna ku xiran yihiin inaan helno dalagyo la qabsan kara, oo la qabsanaya isbeddelka cimilada."