Accessibility links

Breaking News

Shuruudo lagu xidho nabadda


US Ambassador to the United Nations Linda Thomas-Greenfield speaks during a UN Security Council meeting on Gaza and the situation in Middle East at UN headquarters in New York City on August 13, 2024. (Photo by KENA BETANCUR / AFP)
US Ambassador to the United Nations Linda Thomas-Greenfield speaks during a UN Security Council meeting on Gaza and the situation in Middle East at UN headquarters in New York City on August 13, 2024. (Photo by KENA BETANCUR / AFP)

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka:

Maanta, ku dhawaad laba bilyan oo qof ayaa ku nool goobo ay colaado ka jiraan. “Mas’uuliyaddeenu,” ayay ku dhawaaqday Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, “waa in ay noqotaa in aan ka joojinno xitaa hal qof oo kale in uu wajaho dagaalka oo ah cadaab.”

Akhbaarta wanaagsan, ayay tiri danjire Thomas-Greenfield, waa “in aan ognahay sida loo abuuro xaalado kobciya nabadda.” Tallaabada koowaad waa in laga gudbo hadallada afka uun laga dhaho oo la maalgeliyo ka hortagga:

“Ka hortaggu waxa uu u baahan yahay hab waqti-fog ah, oo dhammaystiran loona dhan yahay; waxa uu u baahan yahay rabitaan siyaasadeed, iskaashi wax ku ool ah, kheyraad waara, iyo lahaanshiyaha qaranka. Abuurista istaraatiijiyadaha ka hortagga ee heer qaran ayaa caddeynaya in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa colaadaha iyo xoojinta kaabayaasha nabadda ee heer qaran.”

Haddii la helo talo iyo taageero ballaaran, xeeladaha ka hortagga ayaa xoojin kara hay’adaha dawladda, kor u qaadi kara ku dhaqanka sharciga, cayilin kara bulshada rayidka ah, islamarkaana dhisi kara dulqaadka iyo is-dhex-galka bulshada.

“Nabadda, horumarka, iyo dadaallada bani’aadamnimo waa kuwo isku tiirsan oo is-xoojinaya,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield. Waxa ay sidoo kale ku boorrisay dowladuhu in ay sii wadaan in ay is-baraan ama ay isku faaiideeyaan sida looga hortago colaadaha. Sierra Leone ayaa ah tusaale, ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield:

“Sierra Leone waxa ay horumar la taaban karo ka samaysay dib u dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda dagaalka ka dib, iyo wax ka qabashada qaar ka mid ah baahiyaha degdegga ah ee dadkeeda iyo dhibanayaasha dagaalka, oo ay ka mid tahay abuurista Guddiga Runta iyo Dib-u-heshiisiinta. Sanduuqa taageerada dhismaha nabadda ee Sierra Leone waxaa ka mid ah in si xooggan diiradda loo saaro colaadaha ka dhasha dhulka, isku gudubka xudduudaha iyo bulshooyinka nugul ee ku nool xuduudaha', iyo xoojinta iyo ka qeybgelinta haweenka iyo dhalinyarada.”

Si uu noqdo mid wax ku ool ah, ka hortagga colaadaha iyo dadaallada nabad-dhisiddu waa in ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield:

“Marka haweenka, dhallinyarada, iyo dadka aan matalaadda buuxda helin ay si dhammeystiran, loo siman yahay oo macno leh uga qaybgali karaan siyaasadda iyo nolosha bulshada, siyaasadaha iyo fulintooda waxa ay u badan tahay in ay ka tarjumayaan baahiyaha bulshada oo dhan, waxaana jira natiijooyin waara oo joogto ah oo loo dhan yahay.”

Shirwaynaha Mustaqbalka ee dhacaya bisha soo socota iyo Dib-u-eegista Dhismaha Nabadda oo la qabanayo 2025-ka ayaa ah habab muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada nabad-dhiska, oo ay ku jiraan ka-hortagga colaadaha iyo arrimaha dhexdhexaadinta.

Maraykanka waxaa ka go’an ka hortagga colaadaha iyo dadaallada nabad-dhiska ee Qaramada Midoobay iyadoo loo marayo qorshayaasha QM ee 10-ka sano ee loo xushay afarta dal ee mudnaanta leh, kuwaasi oo kala ah Haiti, Libya, Mozambique, iyo Papua New Guinea, iyo sidoo kale gobolka Xeebta Galbeedka Afrika.

Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu garab istaago hindisayaasha Qaramada Midoobay si loo sii wado ka hortagga colaadaha, dadaallada dhexdhexaadinta, iyo nabadeynta. Waxa uuna ku boorinayaa dal kasta oo dunida ah in uu sidaas oo kale sameeyo.

Taasi waxa ay ahayd faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG