Accessibility links

Breaking News

Dadaallada nabad loogu soo dabbaalayo DR Congo


UN Ukraine Russia
UN Ukraine Russia

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Maraykanka ayaa weli aad uga walaacsan iskahorimaadka sii socda ee ka jira bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ama DRC, iyo khatarta ah in uu noqdo dagaal ballaaran oo ku faafa gobolka, ayuu yiri Danjire Robert Wood, oo ah ergeyga Maraykanka u qaabilsan arrimaha siyaasadda ee fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa heerka dambiyada iyo rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah ee gobolka, oo ay ku jiraan xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo tacaddiyada, in si sharci-darrada ah ay kooxaha hubeysan u askareeyaan carruurta, iyo rabshadaha galmada la xiriira.”

Ma jiro wax xal ciidan ah oo lagu dhammeyn karo xiisadda bariga DRC, ayuu carabka ku adkeeyay Danjire Wood. “Taasi waa sababta aan u taageerno dadaallada dublamaasiyadeed ee Afrika ay hormuudka ka tahay ee lagu nabadeynayo gobolka harooyinka waaweyn.”

“Mareykanku waxa uu soo dhowaynayaa xabbad-joojinta bariga DRC, taasi oo Angola ay ku dhawaaqday 30-kii July, dhaqan gashayna 4-tii August. Hadda, Rwanda iyo DRC waa in ay fuliyaan ballanqaadyadooda hannaanka Luanda oo ay qaadaan tallaabooyin macno leh oo ku saabsan sidii nabad loo hergelin lahaa.”

Nasiib darrose, DRC waxaa hadda ku nool ku dhawaad toddobo milyan oo qof oo gudaha dalka ku barakacay. Iyadoo taa laga jawaabayo, Mareykanku waxa uu ku bixiyay in ka badan $893 milyan oo gargaar bini’aadantinimo oo DRC la siiyay sannad maaliyadeedka 2024-ka iyadoo loo sii marayo Waaxda Arrimaha Dibedda, Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka, iyo iyadoo loo sii marayo hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay helaan adeegyo dhameystiran oo loogu talagalay dadka ay colaaddu saamaysay, gaar ahaan kuwa ka badbaaday rabshadaha ku saleysan jinsiga, oo ay ku jiraan rabshadaha galmada la xiriira,” ayuu yiri Danjire Wood.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa beesha caalamka in ay abaabusho dhaqaale dheeraad ah si loo xoojiyo shaqada hay’adaha Qaramada Midoobay ee qarashaadka iyo barnaamijyada. Waxaan ugu baaqeynaa dowladaha in ay la xisaabtamaan kuwa ka masuulka ah xad-gudubyada iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee bariga DRC iyo guud ahaan gobolka harooyinka waaweyn.”

Si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, Mareykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu saaro cunaqabateynta ka dhanka ah shaqsiyaadka iyo hay’adaha khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka DRC, ayuu yiri danjire Wood.

“Waxaan ku boorrinaynaa dowladaha caalamku in ay nagula soo biiraan hawshan.”

Ugu dambeyntii, Mareykanka waxa uu sii wadi doonaa in uu si dhow ula shaqeeyo DRC, Rwanda, Angola, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo shuraakada kale si ay u taageeraan dadaallada diblomaasiyadeed ee gobolka oo loo soo afjaro rabshadaha iyo in la gaaro xabbad joojin waarta.”

Sida Danjire Wood uu carrabka ku adkeeyay, “Ma awoodno halista ah in rabshadaha bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay ku sii fidaan guud ahaan gobolka.”

XS
SM
MD
LG