Accessibility links

Breaking News

Magaalo ka mid ah Libya oo caddaalad heleysa


International Court-Libya
International Court-Libya

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Markii ciidamada dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya ay bishii April ee 2020-kii magaalada Tarhuna ka qabsadeen malayshiyada Kaniyat, waxa ay magaaladu ahayd meel argagax uu ka jiro iyadoo xabaalo wadareed lagu aasay boqolaal qof oo rayid ah, oo ahaa dhibanayaasha dambiyo u dhigma dambiyo dagaal. Muddo ku dhow sagaal sano, magaalada waxaa xukumayay walaalaha reer Kani iyo malayshiyaadkooda Kaniyat, kuwaasi oo xukun argagax leh ku soo rogay 13,000 ee qof ee deggan magaalada Tarhuna.

Iyadoo caddaalad loo Raadinayo dadka magaalada Tarhuna ayaa 19-kii November dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Karim Khan waxa uu ku boorriyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo waddamada xubnaha ka ah in ay la shaqeeyaan maxkamadda ICC si ay u fuliyaan amarrada soo qabashada ee dadka lagu tuhmayo dambiyada dagaal ee Tarhuna.

“Waxaan soo dhowaynaynaa ammarka xarigga ah ee dhowaan lagu soo rogay horjoogayaasha iyo saraakiisha deegaanka ee xiriirka la leh malayshiyada Kaniyat,” ayuu yiri Mark Simonoff, oo ah la taliyaha dhinaca sharciga ee Ergada Mareykanka ee Q.M.

“Amarka xariga ah waxa uu ka dhigan yahay horumarro la taaban karo oo lagu raadinayo isla-xisaabtanka dambiyadii ugu xumaa ee ka dhacay Liibiya, iyadoo dhibanayaasha u direysa farriin ah in aan la ilaawin.”

Liibiya ayaa lixdii bil ee la soo dhaafay horumarro waaweyn ka samaysay dhinacyada mudnaanta leh. “Dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee baaritaannada iyo iskaashiga ee uu qabtay Xafiiska Dacwad-Oogaha waxa ay xoojiyeen aas-aaska isla-xisaabtanka iyadoo ay jiraan caqabado siyaasadeed, amni, iyo dhaqaale oo taagan,” ayuu yiri Danjire Simonoff.

“Maraykanku waxa uu ammaanayaa bulshada rayidka ah, difaacayaasha xuquuqda aadanaha, iyo ururrada dhibanayaasha sida ay uga shaqeeyeen caddaaladda Liibiya. Waxaan bogaadinaynaa sida ay uga go’an tahay Xafiiska Dacwad-Oogaha in uu si firfircoon kulammo joogto ah ula yeesho kooxahan oo kale si loo maqlo fikradahooda iyo welwelkooda iyadoo la adeegsanayo habab ku habboon.”

“Maraykanku waxa uu ku boorrinayaa mas’uuliyiinta Liibiya in ay tixgeliyaan aragtida dadka ka badbaaday dhibaatadaasi iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Liibiya kuwaasi oo aad u sugayay in ay wax ka fadhiistaan miiska go’aanka.”

“Dhisidda Liibiya xasilloon oo barwaaqo ah waxa ay u baahan tahay in la wajaho caddaalad-darrooyinkii horey u dhacay. Tani waxa ay u baahan tahay in mas’uuliyiinta Liibiya ay hirgeliyaan hab adag oo lagu ilaalinayo marqaatiyeyaasha, lagu maalgeliyo taageerada dheeriga ah ee dhinaca nafsiga ah inta ay socdaan dacwadaha maxkamadeynta iyo wixii ka dambeeyaba, iyo in xayiraadaha laga qaado bulshada rayidka ah oo iyagu laf-dhabar u ah habka caddaaladda.”

“Xal u helista xasillooni-darrada siyaasadeed iyo kor u qaadista isla-xisaabtanka ayaa wax weyn ka tari doonta wax ka qabashada wareegyada rabshadaha daba-dheeraaday ee Liibiya,” ayuu yiri Danjire Simonoff.

“Waa la dhaafay waqtigii ay ahayd in la soo afjaro meertada isla-xisaabtan la'aanta taasi oo quudinaysay colaaddan daba-dheeraatay iyo in la xoojiyo awoodda dadka Liibiya si ay u helaan mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah.”

XS
SM
MD
LG