Accessibility links

Breaking News

Dimoqraadiyadda Tunisia oo halis wajaheysa


CORRECTING PHOTOGRAPHER BYLINE TO SLIM ABID - Tunisia's President Kais Saied, center, leads a security meeting with members of the army and police forces in Tunis, Tunisia, Sunday, July 25, 2021. Troops surrounded Tunisia's parliament and blocked…
CORRECTING PHOTOGRAPHER BYLINE TO SLIM ABID - Tunisia's President Kais Saied, center, leads a security meeting with members of the army and police forces in Tunis, Tunisia, Sunday, July 25, 2021. Troops surrounded Tunisia's parliament and blocked…

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka waxay si aad ah u muujisay walaaceeda ku aaddan baaqi madaxweynaha Tunisia ee uu ku sheegay inuu ku kala dirayo Golaha Sare ee Garsoorka Tunisia, kaas oo ah guddi madax bannaan oo kor kala socda magacaabista hey’adaha caddaaladda.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, “Guddi caddaalad oo madax bannaan oo cunsuka laf-dhabarta u ah dimoqraadiyad daah-furan oo waxtar leh. Aad bey muhiim u tahay in dowladda Tunisia ay xajiso ballan-qaadkeedii ahaa in ay xushmeyn doonto madax-bannaanida hey’adaha garsoorka, taas oo uu qeexayo dastuurka.”

War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen wakiilada dalalka G7 iyo Midowga Yurub ayay ku sheegeen in ay si qoto-dheer uga walaacsanyihiin ku dhawaaqista damaca uu si kaligiis ah uu ugu rabo inuu ku laalo Golaha Sare ee Garsoorka, kaas oo ay shaqadiisu tahay xaqiijinta habsami-u-socodka shaqoohyinka nidaamka garsoorka iyo in la ixtiraamo madaxbannaanidiisa,”

Madaxa sare ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michelle Bachelet ayaa ugu yeeray iskudayga lagu kala dirayo Golaha “Tallaabo weyn oo jiho qaldan loo qaaday,” waxay ku dartay “in ay tahay xadgudub cad oo loo geysanayo waajibaadka Tunisa ka saarnaa sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha."

Madaxweyne Saied ayaa sheegtay in Guddiga saree e Garsoorka uu yahay mid uu la dagay musuq-maasuq. Tallaabadiisaasi ayaase timid, kaddib marki uu go’aano dhowr ah oo u uku xoojiyay awoodihiisa qaatay tan iyo bishii July ee sannadki 2021. Tallaabooyinkaasi waxaa ku jiray kala-dirsiti baarlamaanka, ra’isulwasaarihi uu shaqada ka joojiyay iyo isaga oo soo saaray wareegtooyin uu dalka ku xakumayo.

Bishii January 2022, madaxweyne Saciid ayaa billaabay hannaan wadatashi qaran kaas oo ay dowladdiisu ku sheegtay inuu dalka ka caawinayo qorista dastuur qabyo ah isla markaana horseedi doona doorasho dalka ka dhacda bisha December 2022.

Tuniisiya ayaa wajaheysa qalalaaso dhaqaalo oo ay ku jiraan hoos-udhac ku yimid dakhliga soo galo dalka iyo dadka iyo deyn aanan caadi aheyn oo lagu leeyahay dowladda. Dowladda Tuniisiya ayaa bilowday in ay hey’adda IMF kala hadasho sidii lacagahaasi ay isaga bixi laheyd.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Price ayaa ku boorriyay Tunisia “in ay muhiimadda siiyo dhameystirka wax ka baddalka dhaqaalaha kaas oo loogu baahanyahay sidii loo xasilin lahaa xaaladaha dhaqaale iyo caqabadaha maaliyadeed ee sii kordhaya ee ay Tuniisiya wajaheyso.”

Kaddib rajadi iyo qalalaasihi ka dhashay Kacdoonkii Guga Carabta ee billowgi sannadki 2010-kii, Tunisia waxay aheyd halki uu ka hana-qaaday dibadbaxyadi dalalka badan ka dhacay ee looga soo horjeeday musuqa iyo xakunka kaligii-taliye-nimada.

Taasi waxay dhalisay dimoqraadiyay socotay, laakin halis ku timaado dimoqraadiyaddaasi ayaa dhaawac ku ah naf-huriddii iyo guulihii dadka Tuniisiya.

Afhayeen Price ayaa yiri Dowladda Mareykanka, “waxay ku celineysaa baaqeennii ahaa in la dadajiyo hannaanka isbaddalka siyaasadda ee Tuniisiya kaas oo jawaab u ah hadafka dadka Tunisiya, iyadoo taasi loo marayo dariiqa in lagu soo daro xisbiyada kalal duwan ee wakiilada ka ah codadka shacabka, bulshada rayidka ah ururada shaqaalaha gaar ahaan wadatashiga qaran ee hadda socda, iyo sidoo kale in lasii wado in la ixtiraamo xuquuqda aadanaha ee Tuniisiya.”

XS
SM
MD
LG