16-kii May, baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne cusub u doortay Hassan Sheikh Mohamud. Doorashada ayaa aheyd natiijo kasoo baxday hannaan waqti dheer socday oo marar badan dib u dhacay.
Muddadaasi hannaanka doorashadu socotay, waxaa dalka xakumayay madaxweyne dhameystay muddo xileedkiisii afarta sano, taasoo ay ugu akeyd bishii Febraayo ee 2021-ki.
“Dowladda Mareykanka waxay ugu hambalyeyneysaa shacabka Soomaaliyeed dhamaadka hannaanki doorashooyinki qaran. Waxaan kaloo u hambalyeyneynaa Hassan Sheikh Mohamud oo loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaanu dhowreynaa inaan si dhaw ula shaqeyno isaga iyo dowladda cususb,” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.
Afar sano oo khilaaf siyaasadeed ah ayaa sababay in dayacaad ay ku dhacdo qodobbo aad muhiim u ah. Si Soomaaliya ay horay ugu socoto, Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada waa in ay si deg deg ah u heshiiyaan oo ay si wada jir ah uga horgaan caqabadaha waaweyn ee horyaalla Soomaaliya.
Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay, in mudnaanta koowaad la siiyo xallinta laba mushkiladood oo gaar ah.
Marka hore waxaa loo baahanyahay in meesha laga saaro khatarta ka imaneysa ururka argagixisada ah ee Al Shabaab.
“Ammaanka Soomaaliya iyo kan gobolka wuxuu ku tiirsanyahay inaan adeegsanno agab-walba oo ka mid ah hubkeenna si aan ula dagaallanno argagixisada. Taasi micnaheedu ayaa ah in taageero la siiyo Howlgalka kumeel-gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo ATMIS. Waxay kaloo la micno tahay in la adeegsado nidaamka cuna-qabateynta Soomaaliya si loo calaamadeeyo saraakiisha Al Shabab oo ee sii wada in ay halis geliyaan nabadda iyo amniag Soomaaliya. Waxay sidoo kale la micno tahay yareynta xaaladaha bani’aadannimo ee khatarta ah ee dhiirri-geliya xagjirnimada.”
Caqabadda labaad ee halista ah ayaa ah, ee ay tahay in ay dowladda cusub xallisaa ayaa ah, masiibada bani’aadannimo ee qarka loo saaranyahay taas oo ay sababtay abaarti ugu xumeyd ee dalka ku dhifata muddo 40 sano ah, taasoo saameysay ilaa lix milyan oo Soomaali ah.
Xaaladda bani’aadannimo waxaa sidoo kale door ka ciyaaray, sicirka cuntada oo cirka isku shareeray wixi ka danbeeyay dagaalka axmaqnimada ah ee uu Ruushka ku qaaday Ukraine, kaas oo wali sii wada inuu hor-istaago qamadigi iyo cuntooyinki kale ee soo gaari jiray Soomaaliya, arrintaas oo sababi karta in dalka uu galo xaalad macluul ah.
“Bishii April, Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday lacag dhaareeraad ah oo gaareysa in ka badan 200 oo milyan oo dollar oo gargaar bani’aadannimo ah, si looga jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee Geesak Africa,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield.
Waxa si toos ah ugu xidhan xaaladda bini'aadantinimo waa fayo-qabka dhaqaale ee Soomaaliya, taas oo ku xirnaan doonta awoodda ay u leedahay in ay buuxiso shuruudaha looga baahan yahay in la gaaro heerka dhammaystirka ee hoos yimaada Hindisaha Waddamada lagu leeyahay deymaha xoogga leh."
"Soomaaliya hadda waxay haysataa fursad ay diiradda ku saarto siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dib-u-habaynta amniga ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed, Maraykanku waxa uu rajaynaya … la shaqaynta madaxda Soomaaliya si loo gaaro yoolka aan wadaagno ee ah Soomaaliya oo nabad ah, dimuqraadi ah, iyo barwaaqo ah.” Ayuu yiri Xogahye Blinken.
Faalladani waxay ka tarjameysaa Aragtida Dowladda Mareykanka.