Soomaaliya ayaa weli waxaa hareeyay dhibaatooyin halis ah, oo ay ka mid yihiin macluul baahsan, khatarta kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyo rabshadaha ka socda Laascaanood.
Laakin sidoo kale waxaa jira war u wanaagsan mustaqbalka Soomaaliyaa. Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhow heshiis si weyn u dhimaya deymaha lagu leeyahay dalka oo markii hore ahaa 5.2 bilyan oo dollar, lagana dhigayo $600 oo milyan, sida ay sheegtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.
Waxa jirta dood adag oo ku saabsan afar soo jeedin oo ku saabsan nidaamka doorasho ee mustaqbalka ee ay soo jeedinayaan Golaha Wadatashiga Qaranku bisha May. Kadib shan xilli roobaadkii oo fashilmay, roobabkii dabeylaha watay ayaa ugu dambeyntii soo noqday.
Ugu dambeyn, Howlgalka Libaaxa Madow oo billowday horraantii bishii Ogoosto ee sannadkan ka dhanka ah Al-shabaab ayaa laga gaaray guullo dhowr ah, kaddib markii ciidamada dowladda ay ka saareen maleeshiyaadkii ku sugnaa gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Mudug.
“Mareykanka waxaa dhiirigelinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee socda ee lagu hormarinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo Bariga Afrika, iyadoo wax laga qabanayo khatarta al-Shabaab,” ayuu yiri Robert Wood, Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.
"Waxaan soo dhaweynaynaa horumarka ay ciidamada Soomaaliya ka sameeyeen deegaannada ay Al-shabaab kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan, waxaana ku dhiirri-gelinaynaa dadaallo dheeraad ah oo lagu xasilinayo deegaannadaas, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xoojinta maamul ee deegaanka." ayuu raaciyay.
"Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka waxa uu ka walaacsan yahay dib u dhacyada amni ee dhawaanahan ka dhacay gobolka Galguduud," ayuu yiri danjire Wood. "Horumarradani waxay muujinayaan degdegga ah ee dhammaystirka qorshaha kala-guurka amniga oo leh yoolal la taaban karo, kheyraad ku saleysan, waqtiyo iyo shuruudaha taageerada."
“Mareykanka waxaa ka go’an in uu taageero Soomaaliya iyo dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinayo awoodda laamaha amniga Soomaaliya iyo dadaallada xasilinta. "Waxaan aqoonsannahay in geeddi-socodku uu u baahan yahay isku-dubbarid caalami ah oo wanaagsan, waxaanan la shaqeyn doonnaa la-hawlgalayaasha si aan u hagaajinno habkayaga si aan u gaarno ujeedooyinkan," ayuu yidhi.
Roobabka ayaa ugu dambeyntii dib ugu soo laabtay Soomaaliya, balse xaaladda bini’aadantinimo ee halkaasi ka jirta ayaa ah mid aad u daran. Dhinaca bani’aadantinimada, waa inaan dhammaanteen isugu nimaadnaa si aan wax uga qabanno saameynta xun ee abaarta daran ee Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Wood.
“Mareykanka waxaa ka go’an in uu Soomaaliya ka caawiyo wax ka qabashada dhibaatadan, oo ay ku jirto in uu bixiyo in ka badan 750 milyan oo doolar oo gargaar bini’aadinimo ah sanadkan. "Waan ku hanweynahay inaan nahay deeq bixiyayaasha bani'aadamnimada ugu weyn ee Soomaaliya," ayuu yiri.
“Mareykanku si adag ayuu u garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inuu gacan ka geysto horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri danjire Wood. "Waan sii wadi doonaa inaan la shaqeyno Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka si aan u dhisno mustaqbal wanaagsan oo ay yeeshaan dadka Soomaaliyeed."
Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.