Maxkamad ayidday xukunkii lagu riday Ratko Mladic

Ratko Mladic

Tani waa faallo ka tarjumaysay aragtida dowladda Mareykanka.

Maxkamadda caalamiga ee dambiyada ayaa ku dhaawaaqday xukun xabsi daa’in ah oo ay ku ridday taliyihii hore ee ciidanka Bosnian Serb Ratko Mladic, kaas oo loo yaqaanno kawaanlihii Bosnia.

Mladic ayaa lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay oo ay kamid yihiin xasuuq, xadgudub binu’aadnimada ka dhan ah iyo dambiyo dagaal oo uu galay intii lagu jiray dagaalkii Bosnia ee socday 1992 ilaa 1996kii.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda, isagoo bayaan uu soo saaray ku yiri “dareenkeygu waxuu la jiraa dhamaan qoysaskii dhibanayeesha ee ka badbaaday xasuuqii Mladic. Marna ma tirtiri karno masiibadii horseedday dhimashadooda, laakiin waxaan rajeynayaa in xukuknii maanta uu xoogaa laabta u dajiyo dhamaan kuwa murugada la dhibtoonaya.”

Isagoo ahaa taliyihii hore ee ciidanka Bosnian Serb, ayaa Mladic waxa uu udub dhexaad u ahaa howlgalkii ujeedka argagaxa leh huwanaa ee joogtada looga saarayay dadka Bosnia iyo Croatia kuwaas oo ku noolaa dhulkii ay xukumaysay Srebia ee Bosnia and Herzegovina oo ay ku jiraan dilka in ka badan 8,000 oo muslimiin rag iyo wiilal yar yar ah isugu jira ee lagu laayay magaalada Srebrenica sanadkii 1995-kii.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa yiri “Dambiyadii ka dhacay Bosnia and Herzegovina waxay calaamad u yihiin qeybta ugu xun taariikhda waxii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee dunida,”

“Inkastoo dadaallada dambiilayaasha ay aamusiiyeen marqaatiyaasha iyadoo la qariyay caddeymihii dambiyadooda lana hareer maray amarradii xarig ee maxkamadeed, haddana caddaaladii ayaa ku guulaysatay kiiskan” ayuu yiri Blinken isagoo intaa ku daray, “waxaan bogaadinaynaa geesinimada iyo awoodda kuwii ka badbaaday iyo dadkoodii ay jeclaayeen kuwaas sii waday dagaalka ay ugu jireen in si rasmi ah loo qiro dambiyadaasi..”

Markii ay soo dhowaatay sanad guuradii 26aad ee kasoo wareegtay xasuuqii Srebrenica ka dhacay, ayaa xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Blinken uu rajo ka muujiyay isagoo yiri ” racfaanka xukunka waxuu xoogaa nabad gelyo u keenayaa dhibanayaasha iyo kuwii ay jeclaayeen, wuxuu sidoo kale sheegay, inuu ku faraxsan yahay sanadihii shaqo ee maxkamadda caalamiga ee dambiyada ay caddaaladda ugu qaadday kiiska Mladic.

Madaxweynaha Joe Biden ayaa yiri “ xukunka taariikhiga waxuu muujinayaa in kuwa dambiyada culculus galay lala xisaabtami doono. Waxyna sidoo kale xoojinaysaa go’aankeenna wadaagga ah ee aan uga hortagayno xasuuqyada mustaqbalka ka dhaca meel kastoo dunida ah.