Mareykanka oo cunaqabateyn saaray ku-xadgudbayaasha xuquuqda aadanah ee Ethiopia

Antony Blinken

Tani waa faallo ka tarjumeysa aratida Dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa saxiixay amar fulin oo cunnaqabateyn cusub ah kaasi oo Mareykanka u oggolaanaya in uu bartilmaameedsado dhinac kasta oo mas’uul ka ah ama ku lug leh ficillada ama siyaasadaha sii dheereynaya colaadda ka aloosan waqooyiga Ethiopia, iyo kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha, ama hor istaaga in gargaarka bani’aadanimo uu gaaro, ama caqabadda ku ah horumarka la xiriira xabbad joojin laga wada xaajooday.

Cunaqabatayndani kuma socdaan shacabka reer Ethiopia iyo kuwa Eretria, waxayna si cad u oggolaanaysaa in la sii wado barnaamijyada horumarineed iyo kuwa gargaarka ee socda.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu weyn ee bixiya deeqaha gargaarka ee dadka ay dhibaatadani sida weyn u saameysay, waanna sii wadi doonaa in aan bixinno samafalka nolosha dadka lagu badbaadinayo ee loo fidinayo dhammaan dadka baahida u qaba iyadoo aan loo eegin isir, diin iyo cidda ay siyaasad ahaan ku xiran yihiin.

Colaadda waqooyiga Ethiopia ayaa sababtay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu xun ee dunida ee bani'aadamnimo iyo xuquuqda aadanaha, iyadoo in ka badan 5 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo, illaa 900,000 oo qofna ay ku sugan yihiin xaalad macluul ah oo ka jirta gobolka Tigray.

Colaadda ayaa hadda halis ku ah in ay isku beddesho dagaal sokeeye oo khatar geliya xasilloonida Ethiopia iyo tan gobolka. Mareykanka ayaa sii wada dadaallada dublumaasiyadeed ee lagu cadaadinayo in lagu joojiyo xasaraddan bani’aadanimo iyo xuquuqda aadanaha ah, waxaana Amarkan Fulineed uu bixinayaa awood cusub oo ka dhan ah kuwa carqaladaynaya horumarka xabbad-joojin laga wada xaajoodo, hortaagan gaarsiinta gargaarka bani'aadamnimo, ama ku kaca xad-gudubyada ba’an ee xuquuqda aadanaha.

Ma iska dhega tiri karno xaqiiqda ah in xadgudubyo baahsan oo xuquuqda aadanaha ah lagula kacay rayidka. Waxa aan ka maqalnay qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ka soo qaxay gobolka Tigray, oo in badan oo ka mid ah ay yihiin haween kuwaasi oo ka warramay waaya-aragnimadooda dhacdooyin qalbi-jab leh oo ay jilayaasha hubaysan gaysteen sida dil, kufsi, iyo falalka foosha xun ee jinsiga.

Tobanaan kun oo haween iyo gabdho yaryar ah oo ku sugan waqooyiga Ethiopia ayaa u baahnaan doona adeegyo caafimaad, daryeel maskaxeed, mid nafsaani iyo adeegyo sharci si ay dib u bilaabaan dib u dhiska noloshooda. Boqolaal kun oo qof ayaa wajahaya gaajo, oo qeyb ahaan ay sababtay dadaallada dowladda Ethiopia ee dib u dhigista iyo joojinta in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee baahiyaha degdega ah u qaba in ay helaan raashin iyo daawooyin si ay u badbaadaan.

Diifta shacabka Itoobiya ee uu dhaliyay dagaalkan waa in ay dhammaataa. Waxa aan ugu yeereynaa dhammaan dhinacyada in ay joojiyaan colaadda, oggolaadaan islamarkaana fududeeyaan marinnada gargaarka, xaqiijiyaan isla xisaabtan ku aadan xadgudubyada aadanaha, ayna bilaabaan wadahadallo loo dhan yahay oo jeexaya waddo lagu hormariyo midnimada dalkooda.