Erayga "dib u dhac dimuqraadi" waxa uu tilmaamayaa nabaad-guurka dimoqraadiyada ka dhalata hoos u dhaca hay'adaha siyaasadeed ee dowladeed ee ilaalinaya dimuqraadiyadaas, oo ay abaabuleen hoggaamiyayaal si dimuqraadi ah loo soo doortay.
Nidaamkan, oo sidoo kale loo yaqaanno madaxbannaanida, ayaa biloowday wixii ka dambeeyay xilligii dagaalkii qaboobaa, ilaa haddana waa uu sii xoogaysanayay. "Kooxaha bulshada rayidka ah waxay diiwaangeliyeen 15 sano oo xiriir ah oo hoos u dhac caalami ah ku yimid dimuqraadiyadda," ayuu yiri Ku-xigeenka Xoghayaha Dawladda ee Amniga Rayidka, Dimuqraadiyadda, iyo Xuquuqul Insaanka Uzra Zeya mar uu dhawaan ku qabtay shir jaraa'id khadka teleefoonka.
"Sidaa daraadeed, maxay ka dhigan tahay hoos u dhaca dimuqraaddiyadda ficil ahaan?" ayay is weydiisay.
"Tan koowaad, Xeerarkii kaligii-taliska waxa ay hor istaageen doorashooyin muujin lahaa rabitaanka shacabka, waxay wiiqeen madax-bannaanida sharci-dejinta iyo garsoorka, kuna xad-gudbeen xuquuqaha aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee dadkooda. Labo: Jilayaasha musuqmaasuqa ayaa si aan xad lahayn u xaddiday helitaanka macluumaadka. Arrintan waxaa loo adeegsaday maaliyad dadweyne, waxayna meesha ka saartay kalsoonidii dadwaynaha ee ahaa in dowladnimada dimoqraadigu ay keeni karto mustaqbal wanaagsan. Ugu dambeyntiina, xitaa dimoqraadiyada sida wanaagsan loo dhisay sida Mareykanka waxay wajahaan caqabado ay ka mid yihiin is lab-qabsi siyaasadeed, faafinta warar khaldan, takoorka, iyo caddaalad-darrada jinsiyadeed." ayay tirii Zeya.
"Haddana, waxaan ognahay in bulshooyinka ixtiraama oo difaaca xuquuqul insaanka, ilaaliya ku dhaqanka sharciga, taageerana loo dhan yahay, maamul la xisaabtan ah oo loogu talagalay dhammaan muwaadiniintooda ay u diyaarsan yihiin inay soo saaraan xal waara xitaa dhibaatooyinka ugu adag," ayay tiri.
Iyadoo soo xiganeysay Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken, Ku-xigeenka Xoghayaha, Zeya ayaa xustay in "Wadamada mas'uulka ah aysan ka gaabin fiirsashada diiwaankooda xuquuqul insaanka. Balse, ay qirtaan iyaga oo ujeedadu tahay in la hagaajiyo." Taasina waa sababta korjoogteynta bulshada rayidka ah ay u tahay mid qiimo leh.
"Bulshada rayidka ahi waxay door muhiim ah ka ciyaartaa ilaalinta iyo u doodista dimuqraadiyadayada. Waa lagama maarmaan in la horumariyo, isla xisaabtanka dawladda, "ayay tiri Xoghaye Zeya.
"Dhaqdhaqaaqayaasha, dadka u u dooda xuquuqda aadanahad, iyo xubnaha kale ee bulshada rayidka ah ayaa lagama maarmaan u ah maamul hufan, sinnaan, iyo jawaab celin. Wadashaqeynta bulshada rayidka ah waa muhiim si loo gaaro yoolalka shirarka marka aan u jeesanno hoggaamiyeyaasha maxalliga ah iyo khubarada si ay gacan uga geystaan hubinta in dowladdu ay ballan-qaaddo inay si togan u saameynayso muwaadiniinta" yay raacisay.
Dib-u-noqoshada Dimuqraadiyada "waxay caqabado waaweyn ku tahay xasilloonida iyo barwaaqada caalamiga ah oo kaliya lagu xallin karo si wadajir ah, iyada oo dimoqraadiyada la fikirka ah ay isu imaanayaan si ay u beddelaan hoos u dhacan."
Maraykanku waxa uu ku marti qaadayaa dhammaan asxaabta iyo xulafada la fikirka ah si ay gacan uga geystaan dib u noqoshada dimoqraadiyadda iyaga oo nagu soo biiraya kuwa diida kali-talisnimada; la dagaallanka musuqmaasuqa; iyo horumarinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha gudaha iyo dibaddaba. Toddobaadkan Shirwaynaha Dimuqraadiyadda ayaa noqon doona safar tallaabo hore loogu qaaday adduunka.